Ardeyda Jaamacadda Horseed oo u fariisatey Imitixaanaadkii Sannadka 2014- 2015 Semester-ka Labaad.

0
231

Waxaa Xarunta Jaamacadda Caalamiga ee Horseed ka bilowdey imtixaanaadkii Waxbarshada ee Kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadaas ka Kooban tahay,ee 2014 -2015 ee Semester-ka Labaad waxayna ardey ay ahaayeen kuwa ku Mashquulsanaa imtixaanaadka ee Jaamacadda Caalamiga ah ee Horseed iyadoo  Imtixaanaadkaan ay Maamulayaan Guddi ka kooban 100 Xubnood

Xasan Shiikh Cumar  Abuukar oo ah Gudoomiyaha Guddiga Imtixaaanaadka ee Jaamacada Caalamiga ee Horseed oo Xarunta Jaamacadda ugu waramayey Warbaahinta ayaa waxaa u sheegey in Sannadkaan  Guud  ahaan Ardeyda Imtixaanaadka u Fariisaneysa ay gaarayaan 2482 ardey , kuwaa uu sheegey in ay ka kala socdaan Kuliyadaha kala ah Dhaqaalaha , Caafimaadka ,Maamulka, Information Technology , Shareeca Wal- Qaanuun yo Xanaanada Xoolaha.

Mudane Xasan Shiikh waxaa uu sheeegey  in Sannadkan ay Jaamacada Horseed ay qalin jabinayaan ilaa 450 ardey kuwaas oo dhameystey Waxbarashadii Kuliyadaha kala duwan ee Jaamcadda Horseed , sidoo kale waxaa uu sheegey in ardeyda Qalin jabineysa dhawaan loo qaban doono Xafladii Qalin jabinta si ay u qaataan Shahaadooyinkii mudada Dheer Sugayey.

Gabar ka Mid  ah  ardeydii Imtixaanaadka u Fariisaaneysey Jaamacadda Horseed  oo Wareysi siineysey Saxaafadda ayaa wax ka weydiiyey sida Dareenkeedu uu yahay maadaama ay galeyso Imtixaanaadkii waxayna tiri “ Dareenkeyga aad buu u sareeyaa waayo aad baan ugu soo Diyaargaroobey Imtixaanaadka , waxaana rajeynayaa Natiijo Wacan oo aan ku farxo”

Sidoo kale Ardey ka mid ahaa ardeydii u Fariisaneysey Imtixaanaadka Jaamacadda Caalamiga ah ee Horseed ayaa ugu horeyntii u Mahadceliyey Macalamiintii Mudada Dheer u soo wadey Waxbarashada iyadoo sheegtey in uu ka rajeynayo Imtixaanaadka Darajo Sare

Sidoo kale ardeyda ka Qalin jabineysa Jaamacadda Horseed una fariisanayey Imtixaanaadkii kama Dambeysta ahaa  ayaa guud ahaan  sheegey in Dareenkoodu Sareeyo islamarkaana ku faraxsan yihiin in ay u fariistaan Imtixaanaadkii Waxbarashada ee Jaamacada ee Qalin Jabinta waxayna Mahadceliyeen Macalimiintii ku Dadaashey islamarkaana kor u qaadey Aqoontooda

“Waxaan u soo jeedinayaa ardeyda Dhameysatey Dugsiyada Sare ee Dalka in Jaamacadda Caalamiga Horseed ay Diyaar u tahay in ay soo dhaweyso islamarkaana u Fududeyn doonto wixii ku saabsan soo gelitaanka Jaamacadda Horseed, sidoo kale ardeyda Dhameysatey Shahaadada Bachelor waxaa loo diyaariyey Waxbarashada sare ee Master Degree-ga, weliba waxaan ugu Bishaareynayaa in iyagoo oo jooga Guryahooda , Gobolada iyo Degmooiyinka ay qaadan doonaan Waxbarashadooda” sidaa waxaa yiri Gudoomiyaha Jaamaxadda Horseed Cabdikariim Shiikh Maxamed oo sheegey in Sannadkaan Jaamacadda lagu soo Kordhin doono Kuliyado Cusub.

91-500x375 83-500x375 46-500x375 36-500x375 210-500x375 101-500x375

SHARE