Farhan Akthar Iyo Arjun Rampal Oo Is Maan Dhafeen Xili Duubista Filimkooda Rock On 2 Socotay

0
179

farhan and arjun

Labada saaxiibada ah ee filimka Rock On 2 ayaa Farhan Akthar iyo Arjun Rampal ayaa is maan dhaafeen xili duubista filimkooda meel xasaasi ah mareesay.

Farhan iyo Arjun ayaa isku fahmiyeen muuqaal ka mid ah filimkooda oo xiligaas la duubayay Arjun ayaa talo soo jeediyay halka Farhan uu talada Arjun ku gacan seeray.

Markaas ka dib labada xidig ayaa ereyo kul kulul is dhaafsadaan taasina waxay sababtay qof walbo asigoo careesay inuu goobta isaga tago oo uu gaarigiisa raaco.

Arjun Rampal ayaa dhibsaday amarka badan ee Farhan Akhtar wuxuuna Arjun soo jeediyay in Director-ka filimka Shujaat Saudagar hawshiisa loo dhaafo.

Laakiin Farhan ayaa diiday midaas madaama uu qarash gareeye ka yahay filimka Rock 2 sidaa darteed labadan xidig mid walbo midka kale asigoo u careesan ayay goobta duubista isaga tageen sidaasna shaqada lagu joojiyay.

waxaa Aqrisay Warbixintaan (391)

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan