Surwaalkaa ka Dhacay Isagoo La Taagan Madaxweynihii Dalka

0
310

Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Helsinki dalka Croatia ayaa surwaalku ka dhacay xili la gudoonsiinayay shahaado sharaf shaqadiisii wanaagsaneyd ee uu qabtay iyadoo ay gudoonsiinaysay Madaxweynaha dalka Croataia.Ivan Zvonomir Cicak ayaa waxa uu ku mashquul sanaa inuu kor u qaado shahaado sharafka la siiyay isla markaan uu si fiican u tusayay saxaafadda isagoo ay la taagan tahay Madaxweynaha dalka Kolinda Grabar-Kitarović, waxa uu ku baraarugay surwaalkii oo dhulka yaalla.
Cicak ayaa waxaa ka muuqday khajilaad fara badan isagoo aad uga xumaaday maalintiisa faraxadda in ay qabsato xaaladan oo kale.

[cplw category=”all” width=”500″ height=”500″ effects=”scrollHorz” posts_to_show=”30″ time=”1000″ sort_by=”date” excerpt_length=”10″ thumb_width=”150″ thumb_height=”150″ date_format=”F j, Y” display=”thumb” order=”desc”]
Dhanka kale madaxweynihii ayaa qosol isku celisay kadib markii ay aragtay odaygii oo surwaalku ka dhacay iyadoo wajigeeda laga arkayay xoogaa dhoolla cadeyn ah , ninkan odayga ah ayaa waxa gadaashiisa taagnaa mas’uuliyiin sarsare oo xafladda lagu marti qaaday.
Cicak iyo saaxiibadii ayaa shahaado sharaf kan ka helay madaxtooyada Croatia kadib markii ay muujiyeen howl karnimo iyo dadaal dheeri ah.

SHARE