Fariin Jaceyl “Nafyahey waxaad tahey ubax ku beeran wadnaheyga, dhiiga halbowlaheyga kala shubaayo.

0
6540

Nafyahey waxaad tahey ubax ku beeran wadnaheyga, dhiiga halbowlaheyga kala shubaayo ayaana sida biyaha aad quudataa mana jirto cid kula waraabeysa.

¨ Sida ileyska ayaad wadnaha iiga abaartay sidaas oo ay tahay ma tihid mid sida ileyska qoraxda waayo ma gubeysid wadnaheyga aad dhex qaaday ee waxaad iftiin siineysaa wadna mugdi ahaa adiga hortaa.

fariinta

¨ Markaan ku jeclaaday ayaan nafteyda weydiiyay waa kuma cidaan aad jeclaactay waxeyse iigu jawaabtay waa ileys aan dameyn, waa wadne ooyaya marka wadnahaagu ooyo misana farxaya markaad faraxdo.

¨ Waxaan ogaaday in jaceylku uu amaanno yahay markaas ayaan jaceylkeena waxaan giliyay qasnad waxaan ka cabsaday in furaha layga xado, hadana waxaan giliyay god waxaana ka baqay in cid kale ay faagato , xayaati.com,balse markii dambe waxaan ku giliyay Qalbigeyga waayo waxaan ogaaday in halkaas cidna kaa gaari Karin.

Waxaan ka fikirey cidaan u hibeyn wadnaheyga waxaana ogaadey in aaney jirin cid adiga kaa mudan.

¨ Noloshaan kula wadaagay dhadhankeeda hadaan ogaan lahaa macaanka ay leedahey anigoon socod baran ayaan kula qeybsan lahaa.

¨ Qoraxda waxay iisoo baxdaa anigoo kaa fikirayaa hadana qoraxda waxay ii dhacdaa anigoo ku sugaaya, ee wadnaheygaan kugu sarqaamey u kaalay.

¨ Cod hadaan maqlo xatta dhurwaaga adiga ayaan ku moodaa markaasaan xagiisa u ciiraa marka waraabaha isii ama iga dhacso cadowgeyga.

Dulqaadka Media (Dulqaadka.com)

Muqdisho, Soomaaliya

E-mail: dulqaadkanews@gmail.com

             info@dulqaadka.com