Iska Ilaw Fergie Time: Kadib Goolkii Danny Welbeck Ee Leicester City,Arsenal Oo Ah Kooxda Hogaaminaysa Goolasha La Dhaliyo Waqtiga Geerida Ee Dhamaadka Kulamada, Waase Kuwee Kooxaha Ugu Sareeyaa?

0
124

Welbeck-2Marka laga hadlayo goolasha la dhaliyo waqtiga loo yaqaan waqtiga dhimashada ama geerida ee dhamaadka kulamada waxaa la soo xusuustaa tababarihii Manchester United ee Sir Alex Ferguson kaas oo horyaalka Ingiriiska waqtigan magiciisa ku qoray,waxaana waqtigan loo bixiyay Fergie Time oo ah waqtigii kooxda Ferguson ay goolasha qalbi jabinta ah dhalin jirtay casrigii guulaha u saaxiibka ahaa ee Old Traffrod.

Laakiin xaqiiqada ayaa noqotay in Arsenal ay tahay kooxda horyaalka Ingiriiska ka dhalisay goolasha ugu badan waqtiga dhamaadka ciyaarta inkasta oo ayna haddana ahayn kooxda dhibcaha ugu badan ku heshay goolashan. Arsenal ayaa 100 gool dhalisay waqtiga dhamaadka ciyaarta laakiin Liverpool oo kaalinta afraad kaga jirta kooxaha goolasha ugu badan dhaliyay waqtigan dhamaadka ayaa ah kooxda dhibcaha ugu badan ku heshay goolasha waqtiga danbe ah 

Goolkii Danny Welbeck uu ka dhaliyay kulankii Leicester City ayaa buuxiyay goolasha qarniga ah ama 100 gool ee ay Gunners horyaalka Ingiriiska ka dhalisay dhamaadka ciyaarta.Thierry Henry iyo Robin Van Persie ayaa ah xidigaha haysta rekoodhka ugu fiican ee kooxda Arsenal kuwaas oo min 7 gool dhaliyay waqtiga dhamaadka ciyaarta, Ian wright ayaa lix gool waqtigan lix gool dhaliyay halk Adebayor iyo Fabregas ay min 5 gool ku leeyihiin.2

Laakiin waa markii labaad oo uu Welbeck waqtigan oo kale gool dhaliyay isaga oo hore waqtigan oo kale gool udhaliyay Arsenal kulankii ay barbaraha 2:2 ahaa la gashay kooxda Hull City ee  October 2014 kii.

Kooxda Chelsea ayaa ah kooxda labaad ee Arsenal ku xigta oo goolasha ugu badan ka dhalisay dhamaadka kulamadii ay ciyaartay, waxayna Blues waqtigan dhalisay 93 gool. Manchester United ayaa kaalinta saddexaad ku jirta waxayna waqtiga dhaliyeen 91 gool halka kooxda Liverpool oo kaalinta afaraad ku jirtaa ay waqtigan dhalisay 73 gool,waxaana shanta kooxood ee ugu sareeya buuxisay Everton oo waqtigan dhamadka ciyaarta dhalisay 71 gool.Stoppage time

Inkasta oo ay Arsenal 100 gool dhalisay waqtiga dhamaadka kulamada haddana kumay helin dhibacaha ugu badan, waxaana goolasha waqtiga dhimashada la dhaliyo dhibcaha ugu badan ku heshay Liverpool. Arsenal ayaa inta badan goolashan kula timid barbaraha waxayna ku heshay 21 dhibcood halka Liverpool ay ku heshay 27 dhibcood, 22

SHARE