Jurgen Klopp Oo Mar Iska Diiday Fursad Uu Kula Soo Wareegi Lahaa Weeraryayan, Sababtoo Ah Ma Uusan Jecleysanin Dabaaldegiisa.

0
93

klopp-1

Jurgen Klopp ayaa mar iska diiday fursad uu kula soo wareego weeraryahan – sababtoo ah ma uusan jecleysanin sida uu u dabaaldego marka uu gooldhaliyo.

Waqtigiisii Borussia Dortmund, tababaraha Jarmalka ayaa ku dhawaa inuu la soo wareego weeraryahan cusub ka dib markii uu in muddo ah daawanayay.

Laakiin Klopp ayaan la dhicin falcelintii uu sameeyay xiddigii diirada u saarnaa markii uu gooldhaliyay ka dib, sida uu sheegay agaasimaha suuq-geynta Dortmudn Carsten Cramer.

“Waxaa jirta sheeko uu ii sheegay Jurgen oo ku saabsan weeraryahan uu xiiseynayay inuu la soo wareegp” ayuu Caramer u sheegay Daily Mirror.

“Waxa uu daawaday dhowr muuqaalo oo isagu ku saabsan, waxaana uu yiri ‘Waxaan doonayaa inaan la soo wareego weeraryahankaan.’

“Ka dib waxa uu arkay isagoo ciyaaraya, waxaana uu dhaliyay gool. Waxa uu daawanayay sida uu u dabaaldegayay markii uu goolka dhaliyay, waxaana uu yiri ‘Ninkaan ma ahan nin ku haboon Dortmund. Isaga ayaa isku dabaaldegaya ee uma dabaaldegayo kooxda’

“Dhamaan ciyaartoyda waa ogyihiin in kooxda ay tahay waxa ugu muhiimsan. Waan hubaa in falasada kooxda inay muhim aheyd markii aan shaqaaleysiineynay Jurgen Klopp.”

Daily Mirror ayaa soo qaadatay shan ciyaaryahan oo ay tahay inay dabaaldegooda dib u eegaan haddii tababaraha Reds uu damco inuu keensado Anfield. Waxaana liiskooda ugu sareeya Jese Lingard xiddiga Man United kaasoo sameeya dalaabdega ‘DAB’ ee ciyaartoyda NFL ee Mareykanka ay bilaabeen islamarkaana uu caan ka dhigay Paul Pogba.

Waxaa kaloo liiska ku jira Della Alli oo xarafka A ku sameeya farihiisa marka uu gool u dhaliyo Tottenham, Robbie Keane oo si weyn u sameeya ciyaarta jimnaasiga taasoo dhaawac ku keeni karta, Gareth Bale oo calaamada jaceylka gacmaha ku muujiyo iyo Michaeil Antonio.

SHARE