Sidee Adsense lacag uga sameeyaa?

0
597

adseInagoo weli ku guda jirna qoraaladii xiriirka ahaa ee aan uga hadleyney adeega xayeysiiska ee Google Adsense, sida uu u shaqeeyo, sida aad lacag uga sameyn kartid, sida ay google kaaga xireyso IWM, ayaan waxaan hadda ka hadleynaa sida aad Adsense lacag uga sameyn kartid.

Fadlan hubi inaad akhriso maqaalkan Bilaw ilaa dhamaad. Adsense ma aha nidaam aad si-deg deg ah hodan ugu noqoneyso oo waxay ay qaadaneysaa shaqo badan in aad lacag badan sameeyso. Ha u malaynin keliya in aad ku biirto, kadibna laguu balan qaaday in aad lacag fara badan horey ka sameeyso.

Fikradda waa mid fudud. Waxaad ku soo bandhigeysaa bartaada internetka Google adsense boor ama panel xayeysiis ah ay iyada ku siisay marka dadka guji-yaan ama click ku siiyaan lacag ayaad heleysaa account-kaada, ama xisaab-taada adsense ayay kusoo dhaceysaa.

Meeqa lacag ayaan ka Heli Kartaa Adsense?

How-to-Make-Money-With-Google-AdsenseKomishanka aad ka heleyso per click ama yeerid kasta waxay ku xiran tahay sida xayeysiiskan ay Google ku dhiibeyso sababtoo ah waa ay kala duwan yihiinxayeysiisyada. Waxaadna ka qaadan doontaa qayb ka mid ah lacagtaas. Waxaana jirta in xayeysiis kasta lacag gooni ah lagu bixiyo gujintiisa ama click-da. laga bilaabo 2 senti ilaa $ 15 per click ama gujin kasta.

Helitaanka ka badan $ 1 waa mid aad dhif u ah, inkastoo ay dhacdo waqti ka waqti in la helo xayeysiis lacag badan lagu bixiyo inaad hesho. Si kastaba       ha ahaatee, waxaad ka arki doontaa dakhligaaga xiliga adiga xisaabta xireyso markastana account-kaaga ayaa kala soco kartaa lacagahaaga.

Dadka had iyo jeer waxay doonayaan inay ogaadaan lacagta cel-celis ahaan gujin kasta boqolkiiba ay ka heleyaan. Waxa muhiim ah in aad ogaato in aanan la qiyaasi kartin inta aad heli doonto lacag ahaan inkastoo ku salaysan tahay inta qof bartaada internet soo gasho oo weliba gujisa ama click siisa xayeysiiska.

Qofna ma yaqaanno jawaabta ah helitaanka lacagta gujin kasta marka laga reebo Google, sidaa daraadeed qofna yuusan isku dayin inuu kuu sheegto wax ka duwan hadalkaan. Waxa ay noqon doontaa wax aan macquul aheyn aniga ama publisher Adsense dadka lacag ka sameeya adsense inaan idin siino macluumaadkaas sababtoo ah xayeysiiska oo dhan google ayaa laga soo qaataa waxa ay ku kaceyso iyo qiimaha kala duwan google oo kali ah ayaa taqaana iyo sida ay xayeysiiska lacagaha ku bixinayso.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira qaar ka mid ah xayeysiiska ama erayada lacag bixin dheeraad leh. Sidaas darteed waa macquul in ay aaminsan yihiin in weedho keyword sida jinsiga, lacag, iwm laga yaabaa in aad shaqaysato per click kasta lacag badan maadaama kuwani keywords ama erey bixinadooda cammiran yihiin dhanka raadinta waxayna ku saabsan tahay tira badnida dadka ay raadinayaan.

Sida ay u kala badan yihiin ereyada raadintooda, ayay lacag badan dadka wax loo xayeysiiyo ku bixiyaan adigana kaga shaqaysan kartaa publisher ahaan ama qof bar internet wax ku daabaca xayeysiiskana kaga faiideysta hadii aad tahay.

Inkastoo Google ay shaaca ka qaadi doonin inta aad ku muteystay gujin kasta inta lacag ay tahay, laakiin waxaad weli ogaan kartaa inta lacag aad sameysay xisaabta ama account-kaada adsense aad ku leedahay oo aad ka arki karto wadarta ama iskudarka guud ee dakhliga aad ka heshay click-yaasha ama gujinyaasha maalintii, todobaadkii, bisha, sanadka dhan, iwm.

Tusaale ahaan, haddii aad aragto in aad sameysay lacag dhan $ 12.60 maanta aadna ka sameysay 9 click ama riixid markaas waxaad xisaabi kartaa ama celcelis ahaan click-kasta ay ahayd $ 1.40 qiima ah. Habkani waa sida ugu faahfaahsan iyo weliba sida stats-kaada adsense account aad kaheli doontaan. Sidoo kale xusuusnow, habki aan soo sheegnay kaliya waa celcelis ahaan, ee ma aha inaad ogaatay xayeysiis kasta click kasta lagu siiyay qiimahiisa gaarka ah inta ay keenayso.

Tirada lacag sidoo kale intaad heli doontaan badideeda waxay ku xirnaan doontaa xaddiga dadka soo beegsaday bartaada internet ama bogagga aad wax ku daabacdo iyo xayeysiiska kala duwan aad saarto, iyo caddadka dad click ama yeera ama gujiya xayeysiiskaas.

Sida habboon, waa in aad abuurto goob ama website oo ah bar internet ku saabsan mawduuc aad wax badan ka taqaano. Sidaas darteed waxa aad helaysaa waqti badan aadna waxaa kuugu sahlanaanaayo inaad abuurto wax daabacdo kuna shaqeysato dad badan soo booqdana aad heshid dadka ayagana ay wax ka faaiidaan adigana aad lacag ka sameysid.

HADDII AAD SU’AAL QABTID NOOGU SOO DIR E-MAIL

HADDII AAD U BAAHAN TAHAY QORAALE DHEERI AH OO KU SAABSAN GOOGLE ADSENSE RIIX HALKAAN.

Dulqaadka Media (Dulqaadka.com)

Muqdisho, Soomaaliya

E-mail: dulqaadkanews@gmail.com