Dowladda Ruushka oo sheegtay Somaliya inay hub ka iibinayso

0
65

timthumb (2)

Xukuumadda Ruushka ayaa shaaca ka qaaday in Somaliya ay hub ka iibinayso hadii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay ka qaadaan Xayiraada dhanka hubka ee saaran Somaliya.

Hadalkaan ayaa waxaa sheegay Afhayeen u hadlay Dowladda Ruushka oo sheegay inay Diyaar u yihiin Somaliya inay ka caawiyaan dhanka hubka, si sharciga waafaqsan.

Wasiirk arrimaha dibadda Dalka Ruushka Sergei Lavrov,ayaa sheegay in Muqdisho ay  heli doonto taageerada Moscow  ee dhaqaalaha, qalabeynta Ciidanka,horumarinta iyo tayeynta Ciidanka Somaliyeed,waa haddii ay dalbato Dowladda Somaliya. 

Ruushka waxa uu sheegay inta Somaliya ay saaran tahay xayiraada dhanka hubka ah inaysan wax hub ah ka iibineyn, maadaama taasi aysan sharci aheyn.

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa cuna qabateyn dhanka hubka ah saaray Somaliya 1992-dii kadib markii ay bur burtay Dowladdii Milatariga islamarkaana ay billowdeen dagaallada sokeeye.

Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Max’uud ayaa shirkii Golaha Amaanka ee Qaramad Midoobey ee dhacay 19kii Bishan ka codsaday Qaramada Midoobey in cuna qabateynta Hubka ah ee saran Soomaaliya laga qaado.

SHARE