Salman Khan Oo Filim Kale U Maal Galin Doono Wiilka Dhalinta Yar Sooraj Pancholi

0
169

buzzworthy-salman-to-produce-another-film-for-sooraj-pancholi-15

Mega Star Salman Khan oo sanadkii hore soo caan bixiyay Sooraj Pancholi ayaa doonayo markale inuu filim cusub u maal galiyo waa sida haatan la xaqiijiyay.

Salman Khan sanadkii hore wuxuu Sooraj Pancholi iyo Athiya Shetty u maal galiyay filimkii Hero inkastoo filimkaan ganacsi ahaan guul dareestay hadana Sooraj Pancholi qaab jiliinkiisa amaan balaaran ayuu ku helay.

Salman Khan ayaa dareensan in Hero uu ahaa filim sheeko ahaan liitay sidaa darteed markale ayuu mashruuc xiiso badan u maal galin doonaa Sooraj Pancholi.

Filimkan cusub ee Sooraj hogaamiyaha ka noqon doono waxaa Director ka ah Mahesh Manjrekar oo isagana saaxiib dhow la ah Salman Khan.

Sooraj Pancholi ayaa bilaabi doono filimkan Salman Khan u maal galinaayo marka uu sanadkan dhameeyo duubista filimka Director Remo D’Souza iska leeyahay oo ay Ajay Devgn isla jili doonaan.

Xafiis Wareedka Dulqaadka.com (Dulqaadka Media)
Muqdisho-Soomaaliya
E-mail: dulqaadkanews@gmail.com
info@dulqaadka.com

SHARE