Filim ay wada jilayaan Sedex JIlaa oo Caan ah oo la waqtiga la daawan doono la shaaciyey.

0
103

rangoon5

Qorshaha wuxuu ahaa filimka jeceylka sedex geesood ah ee ku saabsan sheeko dhacday dagaalkii labaad ee aduunka Rangoon in la daawado 30 September 2016.

Balse haatan si rasmi ah ayaa filimkan loo baajiyay waxaana daafaha caalamka laga daawan doonaa 24 Febraayo 2017.

Filimka Rangoon waxaa wada jilayaan Shahid Kapoor, Kangana Ranaut iyo Saifa Ali Khan wuxuuna Director Vishal Bhradwaj ka dhawaajiyay in filimkiisa dib loo dhigay lana daawan doono sanadka dambe 2017.

Vishal ayaa sheegay in filimkiisa Rangoon duubistiisa la dhameestiray balse uu hada kadib shaqo xoog leh ka qaban doono sidoo kalena filimkaan jeceyl uu ku haboon yahay in bisha Febraayo ee sanadka dambe la daawado.

Dhinaca kale warar xan ah ayaa sheegay booska uu filimka Rangoon baneeyay haatan gali doono filimka Jagga Jasoos ee Ranbir Kapoor iyo Katrina Kaig hogaamiyaha ka yihiin taasi oo ka dhigan in Jagga Jasoos la daawan doono 30 September 2016.

 

SHARE