Bishaaro: Sheekadii Runtu waa Xal dhab ah oo dib loo bilaabayo.

0
296

runtaDhamaan Akhristayaasha Bogga Dulqaadka.com, Gaar ahaan Dadka Xiiseeya Sheekooyinka Jaceylka iyo arrimaha Bulshada, waxaa lagu wargelinayaa in dib loogu bilaabi doono Boggani Sheekadii Xiisaha Badneyd ee Runtu waa xal Dhab ah, taasi oo ahayd sheeko taabaneysay xaaladaha dadkeenu ku jiraan, Gaar ahaan Sida Balwadaha (Qaadka iyo Sigaarka) u saameeyeen Rag iyo Dumar.
Sheekadan oo la qorey 1993, Waxaa lagu daabacey Wargeysyo Dalka ka soo bixi jirey, Sidaasi oo ay tahay 2000 ayaa lagu daabacey Website-ka Markacadeey.com, xilligaasi oo dad aad u faro badan ay akhristeen. Xilli dhowaanahan ah ayaa lagu qorey Sheekada Runtu Waa Xal dhab ah Website-ka Dulqaadka.com, inkastoo kala go’ uu ku yimid.
Waxaa Qorey Abshir Cali Warsame (Shire) oo ahaa Qoraa Sheekooyin Fara badan oo aad looga daba dhacay qorey, kana mid ah Bahda Dulqaadka.com
Waxaad Sheekadan kala socon doontaan Haddii Ilaah Yiraahdo Mareegta Dulqaadka.com.
Wixii Talo iyo Tusaale ah ee aad Heysaan waad noo soo gudbin kartaa

Fekerkaada, Talooyinka ku aadan Sheekada ku qor Meesha Hoose ee Comment-ga ama noogu soo dir E-mail: dulqaadkanews@gmail.com

Mahadsanidiin
Bahda Dulqaadka Media
Muqdisho, Soomaaliya
E-mail: dulqaadkanews@gmail.com