WhatsApp oo laga sameeyo Hal Malyan oo Wicitaan Malin kasta.

0
148

25, June 2016, Wicitaanada Caadiga ee Taleefanada ayaa ku socda wadadii Taleefanada Xarkaha ee (Landline), iyadoo bedelkooda ay isticmaalayaan Apps (Applications), si ay ula xiriiraan Eheladooda iyo Saaaxiibadooda.

WhatsApp Todobaadkan, waxay ku dhawaaqdey in wax ka badan Hal Milyan oo Wicitaan oo cod ah ay Maalin kasta la sameeyo, iyadoo Mobile la isticmaalayo, taasi oo u dhiganta  (in ka badan 1,100 Daqiiqadii).

“Aad ayaan ugu Faraxsanahay in dadku ay aad ugu heleen, una isticmaalaan adeegaan, waxaana Balan qaadeynaa in aan sii wanaajin (Hagaajin) doono bilaha soo socda” Sidaasi waxaa lagu qorey Blog-ga Shirkada ay leedahay.

whats

Mar sii horeysay ayay ahayd markii Shirkada ay Balan qaadey in ay hergelineysa adeega Wicitaanada Codka ah oo lagu isticmaali karo Noocyada  Android iyo iOS version.

Markii hore WhatsApp wuxuu lahaa oo laga isticmaali jirey Fariimo Codeed iyo Qoraalo la isu diro, iyadoo dadka kuugu jira buugga Keydka Diiwaanka Numberada (Contacts) aad la xiriiri kartid.

Waxayna Talaabadani tahay mid lagula tartamayo Shirkadaha  Adeega VOIP-ka isticmaala ee Skype iyo Viber.

Waxaa Tarjumey

Maxamed Cali Maxamuud (Madka)

Dulqaadka Media

Muqdisho, Soomaaliya

E-mail: Madkaxaji@gmail.com

SHARE