Facebook, Twitter, iyo YouTube oo Turkiga laga xayirey.

0
133

tyrAdeegyada Facebook, Twitter, iyo  YouTube ayaa la hakiyey Dalka Turkiga, xilli howl galo xoogan ay ka soconayaa dalkaasi oo la shaaciyay in ay awooda maamulka ay la wareegeen askar ka tirsan militariga.

Koox dowlada Turkiga u qaabilsan la socodka Dhaq-dhaqaaqyada Internetka ayaa xirey adeegyadani, iyadoo dadka ku sugan dalkaasi aysan suuro gal u ahayn in ay isticmaalaan.

Koox ka tirsan Militariga ayaa Jimcihii la wareegey awooda talada dalka, kadib, markii ay TV-ga dalka ka sheegeen.

Waxaa la soo sheegayaa in Xadidida (Xiritaanka)  Baraha Bulshada ku xiriirto laga sameeyay iyadoo loo marayo shirkada adeega Internetka bixisa ee Turkiga uu leeyahay.

Sidaasi oo ay tahay haddana waxaa aad ay bulshada Turkiga iyo Ajaaniibta kaleba ay soo tebinayaan qoraalo, sawiro iyo Muuqaalo Video ah, ayagoo adeegsanaya Barro kale.

Warkan oo ay goor dhow Baahisay Wakaalada Wararka ee Reuters ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay suuro gal tahay in Facebook, Twitter, iyo  YouTube ay mudo badan ka maqnaadaan Hawada dalkaasi. 

Kala Soco Wixii ku soo kordha Dulqaadka.com

Xafiis Wareedka Dulqaadka.com

Muqdisho, Soomaaliya

E-mail: dulqaadkanews@gmail.com

 

SHARE