RUNTU WAA XAL DHAB AH(Sheeko Taxane ah Qeybta:15aad)

0
327

runtu_waa_Xal_dhab_ah_15_aad

Qeybta 15-aad
“Mise ma cuntid oo waan kuu gefay…!!, Cajiib waxaasaa is footo ah” ayaan niyada iska iri, markaan cabaar aamusnaa oo waxa aan sameeyana garan la’ahay, jawaabna la iga sugaayo, ayaan intaan is akeeyay, anigoo weli wadnaha i garaacmayo, ayaan isagii eegay, waxaan xagiisa u riixay qaadkii iyo sigaarkii is kor saarnaa oo horteyda yiilay.
“Mahadsanid, waan iska dhaafay bahalka oo hadda ma cuno” ayaan si liciif ah ku iri, anigoo hoosta ka eegaya.
“Waan iska dhaafay oo ma cuno bahalka..!” intuu yiri, ayuu xabad Sigaar ah shitay, dhowr jeer markuu iska daba jiiday Sigaarkii ayuu yiri, dhididaaya, “Ilaa iyo goormee moog ayaad tahay…?”.
Intaan eegay, ayaan hoos uga jeestay, waxaana ugu jawaabay, anigoo hoos u foorara, “Ilaa iyo maalintii lama filaanka ahayd oo ay musiibadu igu habsatay…”.
Intuu si fiican ii eegay, ayuu si is foota ah ii yiri, “Mise maalintii wacneyd ee raaxada badneyd”.
Intaan eegay, ayaan hoos uga jeetay, wax jawaab ahna uma celin, “Maalintii wacneyd ee raaxada badneyd… Cajiib..!! intey raaxadu tiil, waa maalintii leygugu bishaareeyay geerideyda…”, ayaan qalbiga iska iri.
“Oo hadda ma cuntid miyaa..?” ayuu i weydiiyay isagoo xabad kale oo Sigaar ah sii shidanaya.
“Ma cuno bakhtiga..?” ayaan iri anigoo isla gariiraya, oo hoos u foorara.
“Waad iska dhaaftay bakhtiga…?” ayuu yiri isagoo si kulul ii eegaya, “Ma xuma waad iska dhaaftay.. Laakinse …?” ayuu haddane raaciyay hadalkiisa.
“Laakinse…! Tolow muxuu ula jeedaa su’aashaasi…?” ayaan is weydiiyay, waxaana u qaatay in uu ula jeedo, waad ku noqon doontaa cunista qaadka.
“Maya.. lagama yaabo in aan mar danbe afkeyga geliyo, waxaana iigu danbeysay maalintii madoobeyd oo kii markaasi afkeyga ku jiray ma liqin oo waan tufay” ayaan ugu jwaab celiyay.
Intuu si fiican ii eegay, ayuu haddane yiri, “Qaadkii gartey, laakinse ..!?”.
“Tanna muxuu ula jeedaa”, ayaan haddana is weydiiyay, “Haa haddaan gartey” intaan niyada ka iri, ayaan ugu jwaabay “Sigaarka waan iska dhaafay oo waa la mid”.
Intuu si fiican u jiiday Sigaarkii oo uu fadhiga qaab sameystay ayuu haddana yiri, isagoo weli idho kulul igu eegaya, ”Waan gartay Sigaarka oo isna waad iska dhaaftay, laakinse..?”.
Intaan indhaha kala qaaday sidii wax soo baraarugay oo kale, ayaan eegay isagii, anigoo la yaaban ereygaa “Laakinse” oo soo noqnoqanaaya iyo waxa uu ula jeedo, Cabaar baan isku dayey in aan fahmo ereygaan ujeedadiisa, waana fahmi waayay.
“Yaah, maxaa tiri..? ” ayaan weydiiyay, anigoo iska dhigaya qof aan maqlin hadalkiisa.
Isagoo si fiican ii eegaya, ayuu yiri, “Qaadkii iyo Sigaarkiiba waad iska dhaaftay, laakinse..?.
“Ar anigaa.. Laakintaan baas maxay ahayd, maxaase i daba dhigay..? ayaan isweydiiyay, ereygaasi wuxuu igu noqday xujo waana fahmi waayay ujeedadiisa.
Intaan madaxa kor u qaaday oo aan si fiican oo cabsi ku jirto u eegay, ayaan weydiiyay “Oo maxaad ula jeedaa su’aashaas..?.
Intuu si fiican u jiiday Sigaarkii ayuu yiri isagoo si kulul ii eegaya “waxaan ula jeedaa laakintaas, waan gartay qaadkii iyo sigaarkiiba waad iska dhaaftay, laakinse Amoorahaagii qaaliga ahaayna..?”.
”Alla ba’ayeey….tanaaba iigu daran…!” ayay la soo booday Naagtii kale oo aad moodo in iyada la weydiiyay su’aashaas, “Maxaa kula fadhiisiyay balaayadaas, baas dhibaas oo dhan isagaa kuu keenee…!” ayay hadana raacisay hadalkeedii iyadoo isku hubineyso garbasaarteedii.
“Marqaankaa ku baxaaya ninkaasi…” ayaan si kaftan ah u yiri Cumar.
“Naga aamus, marqaan beele” ayaan ku iri Cumar, waxaana weydiistay Marwo Suleeqa, in ay noo sii wado sheekada, anigoo aad u xiiseynaya jawaabta ay bixin doonto iyo waxa uu ka yeeli doono ninkeeda ninkeeda.

HADABA AKHRISTE, SIDEE U ARAGTAA ARRINTAN.
KU QOR MEESHA HOOSE ARAGTIDAADA, SIINA SHARE GAREE.
MAHADSANID.

Waa Socotaa
La soco Qeybaha kale ee Sheekada
Waxaa Qorey:
Abshir Cali Warsame (SHire)
Dulqaadka.com
Muqdisho, Soomaaliya
E-mail: Dulqaadkanews@gmail.com