Daawo Wareysigii Yaabka iyo ugu Qosolka Badnaa oo lala yeesho AW DAANGO

0
259

Ibraahim Cali Muumin (Aw daango) oo ka mid ah dadka caanka ka ah Soomaaliya oo hada ku sugan magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu soo Bandhigay Sheekooyin qosol badan Waraysi kooban oo lala yeeshay.
Ugu horay waxaa la waydiiyey “Sidee tahay ? Wuxuu ku jawaabay Saan ayaan ahay, waxaa la waydiiyey Xagee ka timid,

Wuxuu ku Jawaabay Gadaashay, Waxaa la waydiiyey Xagee u socotaa, Wuxuu ku Jawaabay Hortayda ?.
Sidoo kale wuxuu soo bandhigay Dhacdooyinkii la yaabka lahaa ee uu Muqdisho kula Kulmay Waayadii ugu danbeeyay, Wuxuu ka sheekeeyay Nin la dilay, oo halkii maydkiisa laga qaadi lahaa la is waydiiyey qabiilkiisa, Shukaansiga hada iyo Midkii waagii Hore iyo Heestii Qashin baaxad wayn oo uu ka sameeyay Qiso ka dhacday Muqdisho.

Dulqaadka.com

SHARE