RUNTU WAA XAL DHAB AH (Sheeko Taxane ah)Qeybta 20-aad

0
418

runtu_waa_Xal_dhab_ah_20_aad

Qeybta 20-aad
“Weli sheekada waxbaa dhimane, anigaa idiin dhameys tiri doono” intey Marwo Suleeqo tiri ayay fadhiga qaabsameysatay “Asliyey, Habar-yar ii shub Koob biyo qaboow ah” ayay hadana raacisay hadalkeedii, waxaana Marwo Suleeqo loo shubay Cabitaankii qaboobaa ee meesha noo yiilay.

Markii ay xoogaa ka cabtay Cabitaankii, ayay iska dulsaartay miiskii yaraa ee ag yiilay, waxayna Marwo Suleeqo halkii ka sii waday sheekadii “inta aan farxay ayaan hadana mar kale ku booday oo aan isku duubay, waxaana ka dhunkaday labada dhaban, “Muusow waad mahadsan tahay, kheyrna Alla ha ku siiyo” intaan iri, ayaan sii daayay, waana dhinac fadhiistay anigoo farxad darted ay ilmadu iga socoto, “Muusow waxaan Ilaah hortiisa kuugu balan qaadayaa in aan mar danbe aan Afkeyga gelin doonin qaad iyo sigaarba iyo wixii kale ee uusan Ilaah raali ka ahayn” ayaan iri, “waxaan kaloo kuu balan qaadayaa in aan dukan doono Salaada oo aan gudan doono waajibka Ilaahay wixii ka bilowda Isla caawa” ayaan haddana u raaciyay hadalkeyga, waxaan hadana ka dhunkaday dhabankii isoo xigay.

“Ilaahow adigaa mahad leh haddii aad asturtay ceybteydii” ayaan niyada ka iri.

Markaan in cabaar ah is garab fadhinay oo aan sheekooyin caadi ah oo ay dareemihiisuna dageen ayaan si degan ku iri, anigoo garabkiisa barkan, “Muusow waxaan ku weydiinayay.. Maalintaas.. Adigane..?.

Intuu fadhiga qaabsameystay ayuu yiri, “maalintaas.. Adigane.. oo aad ula jeedo?.

Intaan anigana is toosiyay ayaan iri, “Maalintaas adigane maxaa ku keenay meeshaas, mise waxaad soo ogaatay in aan ku qayilo meeshaasi?”, waxaana rabay in aan ogaado sida uu ku soo ogaaday in aan qayilo iyo meesha aan ku qayilo iyo weliba qofkii u sheegay ee igu soo toosiyay.

Intuu si fiican ii eegay ayuu Xabad Sigaar ah shitay, markuu dhowr jeer jiiday Sigaarkii, ayuu haddana si fiican ii eegay, hoosna waa iiga jeestay “Maalintaas maalin bey ahayd, mana aha mid nolosheyda ka tirmeysa…” ayuu yiri, isagoo madaxa ruxaya.

“Waa run, ma aha maalin la ilaabi karo, waayo maalintaasi anigana waxay ii ahayd Maalin Madow” ayaan niyada ka iri, waayo markaan xusuusto maalintaa waa naxaa, laabta ayaana I hurta, waxayna maalintaasi xusuusta leh igu reebtay Murugo iyo xusuus ma guurto ah.

Cabaar markuu aamusnaa ayuu haddana is toosiyay “sida runta ah Suleeqay, kama war heynin in aad qayisho, mana maqlin, wax shaki ahna oo ku saabsan in aad cunto qaadka iyo in kale, xitaa hal mar ima gelin, laakin sida aan ku tegay Guriga aad ku qayisho, ma ahayn mid aan aniga ku tala galay, ama ii qorsheysnaa, mana ogeyn in aad gurigaas fadhido” ayuu Ninkeyga ku bilaabay hadalkiisii ayay tiri Marwo Suleeqo.

“Hase yeeshee maalintaas waa ley geeyay guriga anigoo aan ogeyn, balse waxay ahayd mid qorsheysan oo aniga leyguugu tala galay si in aan ogaado, indhaheygana ugu arko waxa aan naag ahaan u heysto, iyo badweynta ay ku dhex jiro” ayuu yiri, isagoo hoos u foorara.

“Qofka dejiyay qorshahaas oo ahaa qof si fiican kuu yiqiinay, balse markii danbe ka war helay in aad tahay xaaskeyga, isagoo markii hore kuu heystay in aad tahay qof mad bannaan, oo Garoob ah, ” ayuu yiri hadana isagoo bilaabay inuu dhidido.

“Oo isagoo aan kuu sheegin in aan Cuno qaadka ayuu guriga ku keeenay, miyaa..?” ayan weydiiyay ayay tiri Marwo Suleeqo.

“Haa, isagoon ii sheegin ayuu I geeyay guriga aad ku qiyileysay, waayo ma jiro nin la dhihi karo waxaad qabtaa naag xun oo noocaas ah, waayo Ragga kan ugu degan ayaa ku dhahaya wax cad I tus oo aan kaaga rumeysto, Ragga qaarkiina iskaba dhaaf oo dagaal beyba ka xigaan hadalkaa oo waxayba u qaadanayaan aflagaado” ayuu hadana yiri isagoo si ii eegaya, ” Markaa wiilkaa isagoo iska ilaalinay inaan si xun u fahmo hadalkiisa ama aan isku dhacno ayuu qorshahaan degsaday’’ ayuu hadana raaciyay hadalkiisa.

 Fikradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fikradaha

Waa Socotaa
La soco Qeybaha kale ee soo socda
Waxaa Qorey:
Abshir Cali warsame (Shire)
Muqdisho, Soomaaliya