Sheekadii Jaamac Vs Jimcaale (Qeyb Cusub)

0
119

jaamac

JAAMAC:-Jimcaaloow mudda kordhin dadban miyaa?!.
JIMCAALE:-xaa la kordhihaa meel wax laga kor dhiyo iyomeel loo kordhiyo midna majirto.
JAAMAC:-qeyla dhaantii qolyaha madashu ma shaqayn weysay?.
JIMCAALE:-Waxaa la yiri Caana madal ah Caruurta waa jaliyaan,madalu waxba waa qaban weysay waayo Beentii horay loo faafiyay ee ahayd xil-dhibaanka waxaa soo dooranaaya 51 xibmood waa laysaga daba yimid waxaana xaal marayaa lacac looma heli karo 14000 oo qof ee 135 tii oday hala raadiyo iyagaa noo raqiisane,maxaa markii hore loogu caasiyay maxaa loo qabtay, aaway gudiyadii bugta ahaa ee doorashada.
JAAMAC:-yaa u baahan odayaashii hore 135 cusub oo caalamka la jaan qaadi kara ayaa la helaye.
JIMCAALE:-aaway qolyihiihii Qbiilka caalamka la baxay oo ku dheganaa Doorashada maalin dib loo dhigi maayo maanta walee warkoodu ma beenoobin.
JAAMAC:-awalba qas ayay wadeen waana u socon waayay.
JIMCAALE:-agoosto haddii lagaaro, sabtembarna ladhaafo dalku Fowdo ayuu gelayaa, hada yaa fowdada ka ilaalinaya hadhoow yaa u maqan waxaasu waa hadallo layska yiri dadkaan iyo dalkaan Qof wanaag la rabtaa ma jirto, ninkasta dhinaciisa ayuu ka qasayaa, haddii laweydiiyo maxaad haysaa wax la taaban karo kuuma sheegi karo.
JAAMAC:-waa tahaye ma maqashay in Koofurta Suudaan loo dirayo Ciidamo ka socda (IGAD)
JIMCAALE:-taas miyaa dhib leh qaybta Soomaaliya laga rabo (4.5)ayaan u kalatuuranaynaa sow biliqada dalkeena lagu haayo oo kale laga heli maayo?!!!
JAAMAC:-Biliqolee miyaadnka fekereysaa?!.
JIMCAALE:-adduunku dhac ayuu isku raacsanyahay manajiro waddan lagu duulo oo aan kheyraadkiisa la dhicin fiiri meel kasta oo Dagaal laga huriyo ujeedada runta ah waa in aakhirka ciidammo loo diro si loo daldasho waxyàbaha keydka u ah.

Fikradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fikradaha:

Waxaa Diyaariyey:
C/laahi M. Cumar (Mucjis)

SHARE