RUNTU WAA XAL DHAB AH (Sheeko Taxane ah) Qeybta 21-aad

0
336

runtu_waa_Xal_dhab_ah_21_aad

Qeybta:21-aad
August 7, 2016, (Dulqaadka)— “Alla ragaa…!” ayay la soo booday Naagtii kale iyadoo fiigsan oo si fiican noo eegaysas, waxaana moodaa in ka shakisay rageynaan meesha la fadhiyay waxayna midba mar si fiican u eegtay Aniga iyo Cumar oo ragga ka ahaa inta meesha fadhiday.

“Maxaa sidaa noogu eegaysaa, wey ku sheegayaan miyaad is leedahay…?” ayuu yiri Cumar oo isna dareemay in ay naga shakisay.

“Oo maxaan idinkaaga shakin waayay, yaa og waxaad tihiin..?” ayay Tiri Naagtii kale iyadoo geesgees noo eegaysa.

“Kolay Anaga waad naga badbaadeysaa maadaama aan aqoon u lahayn Ninkaaga” ayaan si kaftan ah u iri.

“Oo hadaad garan lahayd Ninkeyga, maxaad sameyn lahayd..?” ayay I weydiisay Naagtii kale iyadoo yaaban.

“Yaa oghee… Koley si uun bey noqon lahayd..” ayuu yiri Cumar oo ka jawaabay su’aashii ley weydiiyay.

“Waxaad doontiin ahaada… Waxaad qaadaan baaba iska yaree” ayay tiri iyadoo hoos u foorarto isna adkeyneysa.

In yar markaan kala aamusneyn, ayaa Marwo Suleeqa si degan u tiri “qaf weliba qumanahiisa qoorta ugu jira” waxayna halkii ka sii waday sheekadii.

“Waxaan isweydiiyay, ninkan uu sheegayo Ninkeyga oo uu leeyahay waa nin si fiican kuu yaqaan balse markii danbe uu ka war helay in aan ahay Muuse Xaaskiisa” ayay tiri Marwo Suleeqa “Tolow waa kuma ninkaasi tooshka kuugu shiday, yuuna noqon karaa..? ayaan isweydiiyay.

“Koley waa nin ka mid ah raga meesha nagula qayila.. waayo ma nin kalaa keeni kara amase ogaan karo waqtiyada aan qayilo..? ayaan niyada ka iri.

“Koley la arki doonee ninka uu noqdo marka uu dhameeyo sheekada, ayaan isku qanciyay” ayay tiri Marwo Suleeqa, waxayna halkii ka sii waday sheekadii.

Intuu dhowr laamood oo qaad ah afka ku ritay ayuu halkii ka sii waday sheekadii “waxaa jira nin la yiraahdo Aadan oo iga la shaqeeya Xafiiska Aadan waa wiil aad u degan, qunyar socod ah balse kaftan badan, mana aha qof sidaa u war badan, waana Xog-haynta Xafiiskeyna.

Aniga iyo Aadan waxaan nahay labo qofood oo saaxiib ah aadana isu qadariya, maadaama uu Aadan yahay Xog-haynteyda, haddana aniga iyo isaga uma dhaqano si wiil iyo madaxdiisa oo kale.

Aniga iyo Aadan waxaa caddoo noo ahayd in aan sida badan galbihii iskula qayilno Xafiiska waa galbaha aan shaqada leeyahay” ayuu yiri isagoo xabad Sigaar ah sii shiday.

“Maalin maalmaha ka mid ahayd ayuu Aadan ii sheegay in uu isaga maalintaas noo qaadi doono qaadka anagoo isugu imaan doono Xafiiska marka aan soo qadeyno kadib, saddexdii galabnimo ayaan tegay Xafiiska, waxaana u tegay Aadan oo gaariga dhex fadhiya.

“Haye Aadan, waaba iga soo hormartay miyaa..? ayaan iri, anigoo ag taagan daaqadii gaariga..” soo deg aan xafiiska galenee? Ayaan iri anigoo sii dhaqaaqaya.

“Muuse, ka waran haddii aan weli tegin gurigeyga oo aan weli soo qaadin qaadkii?” ayuu I yiri Aadan.

“Oo waayo, Maxaa kugu dhacay, ayaan weydiiyay Aadan anigoo yaaban”.

“Markii aan halkaan ka baxay duhurkii ayaan waxaan la kulmay dagaal, sidii ay ii wateen ayay hadda I soo daayeen ayuu yiri Aadan” “marka maddane agaasime bal hadda naga keen aan qaadka soo qaadanee” ayuu haddana I yiri waxaan raacay gaarigii uu watay, waxaana soo qaadaney qaadkii iyo wixii kaloo aan u baahneyn.

Markii aan soo adeegnay ayuu Aadab iga codsaday inaan sii marno garigiisa si uu biyo isugu shubo, maadaama ay tahay si uu saakay uga soo baxay guriga, waana ka aqbalay codsigiisii ahaa in aan marno gurigiisa si aan aniguna u soo barto, waayo, maadaama aan Aadan isla shaqeyneynay labo sano iyo dheeraad, haddana waa markii iigu horeysay oo aan tago guriga Aadan, wallow aan ka war haayay in uu yahay Nin aan xaas lahayn oo iskaa bulo ah.

Fikradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fikradaha

Waa Socotaa
La Soco Qeybaha kale ee soo socda
Waxaa Diyaariyey
Abshir Cali Warsame (Shire)
Muqdisho, SOomaaliya
E-mail: dulqaadkanews@gmail.com