RUNTU WAA XAL DHAB AH (Sheeko Taxane ah) Qeybta:22-aad

0
394

runtu_waa_Xal_dhab_ah_22_aad

Qeybta:22-aad
Sida uu noo soo waday wuxuu na hor istaagay gurri Filla ah oo aad u qurux badan oo aad moodo in goor dhow la dayactiray.
“Aadan, Ma gurigaad baad degn tahay?” ayaan weydiiyay markii uu gaariga hor istaajiyay gurigii.
“Haa, mudane Agaasime” ayuu yiri Aadan isaga oo sii deminaayo gaarigii.
“Imisaa lagaaga kireeyay?” ayaan hadana weydiiyay, Intuu inko cadeeyay ayuu yiri isaga oo sii xiraayo muraayada albaabka gaariga “Kiro Sidee ah…Leygama Kireyn ee anigaa iska lehoo iibsaday”.
“Oo ma goor dhow baad iibsatay?” ayaan hadana weydiiyay.
“Muddo afar sano ka hor, mar aan qurbo ka imid ayaan iibsaday” ayuu yiri isaga oo ka sii degaayo gaariga , “Muuse Soo deg ” ayuu hadane ii raaciyay hadalkiisii.
“Halkeyga ayaan kugu sugayaa ee soo dhaqso”ayaan ku iri Aadan, aniga oo weli dhex fadhiya gaarigii, waayo waxaan rabay in aan ku sugo gaariga dhexdiisainta uu biyo isaga soo shubaayo.
Intuu soo wareegtay ayuu iga furay Albaabkii gaariga, “Maad soo degtid Muuse, Waqti baa nagu socde” ayuu yiri isaga oo albaabka gaariga dhinac ka taagan, “Halkaan baan sii fadhinayaaee soo dhaqso” ayaan ku iri Anigoo eegaaya.
“Halkee, Waa sidee Muuse, sidee baad u hadleysaa, ma halkan dariiqa dhexdiisa ah ayaan kaaga tagayaa?”ayuu igu yiri isaga oo ila yaaban , “Ma ceeb baab ila dooneysaa…Sow ma ogid in aad tahay madaxdeydii” ayuu hadana yiri Aadan, isaga oo sii xiraaya muraayada albaabka ee aan fadhiyay.
Intaan ilko cadeeyay ayaan ka soo degay gaarigii, waxaana gacanta horay ugu qabsaday baakadkii sigaarka ee aan cabaayay iyo Joornaal aan Akhrisanaayay, waxana u dhaqaaqnay dhankii gurriga, anaga oo qaadkii uga soo dhex tagnay gaariga.
Aadan waxaa uu la soo baxay Fure, wuxuuna naga furay albaabkii kore ee guriga, horay ayaana u galnay” ayuu yiri ninkeyga, wuxuuna shitay xabad sigaar ah, isaga oo bilaabay in uu dhidido” ayay tiri Marwo Suleeqo.
“Cajiib..!! hadaan gartay ninkii ugu qarxiyay miinada”ayaan niyada ka iri, ayey tiri Marwo Suleeqo.
“Ninka aad ku sheegeyso Aadan, Sow ma ahan kan la yiraahdo Aadan Fakin, Magacaas ayaan u naqaanaa annaga”Ayaan ku iri ninkeyga oo warka ii waday. “Haa waa isaga, Balse aniga waa Saaxiibkey Qaaliga ah, umana quuro magacaas” ayuu yiri ninkeyga.
“Fakin idinkaa ah, ma ninkaas oo kale ayaa magacaas loo quuri karaa… Waa nin raga wax ka yaqaan..”ayuu la soo booday Cumar oo aad u taageersanaa Aadan oo ahaa ninkii fashiliyay Marwo Suleeqo.
“Oo Ragganimada ma waxaad u taqaaniin iska hor keenida raga iyo xaasaskooda”ayey tiri naagtii kale, iyadoo si quursi ah noo eegeysa.
Waxaan eegey Cumar, waxaana u ruxay madaxa si uusan ugu jawaabin naagtii kale oo ay caro ka muuqatay, Marwo Suleeqana inteey si fiican u eegtay naagtii kale ayay madaxa u ruxday iyadane, hoos ayayna uga jeesatay, Waxayna halkii ka sii waday sheekadii.
“Aadan Fakin waa Wiil Dhex-dhexaad ah oo dhiig furan, Waana wiil aad u degen, mana war badna.
Waa Socotaa
La soco Qeybaha kale ee Soo socda

FIkradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee FIkradaha:
Waxaa Qorey:
Abshir Cali Warsame (Shire)
Dulqaadka.com
Muqdisho, Soomaaliya