Sheeko SIyaasadeedkii Xiisaha Badneyd ee Jaamac Vs Jimcaale

0
103

jaamac-iyo-jimcaale5-563x353

JAAMAC:-Jimcaaloow maanta wadanka yaa ka dowlaa?wakhtigii Baarlabaanku waa dhamaadee??????.
JIMCAALE:-awelba waxnooma qabanjirin Dowladna wadankaan lagama rabo, Adduuyada waa laysdoortaa intii aan wakhtiga lagu doortay dhamaan ayaa wixii ku bedeli lahaa laga shaqaeeyaa ee meelaha lama haab haabto.
JAAMAC:-Raadiyaasha ku daalay Doorasho ama afti ayaan Dadka ka qaadanayna lahaa ma waayeen Gudoomiye Baarlabaan oo ay noosoo dooraan.
JIMCAALE:-Afti aruurin Dadweyne waxaa laqaadaa markii dadku wax soo dooranayaan, ee Waddan xildhibaan iyo Aqallo lagadanaayo lama saadaaliyo cidda soo baxaysa waxayna ku xirantahay qofkii lacag badiya waa Aqoon gaabi ku jirta saxaafadeyna.
JAAMAC:-Waa tahaye mamaqashay in uu Geeriyooday Janaraal Maxamad cali samatar.
JIMCAALE:-mamaqal Aaway Madaxdii Noo qaabil sanaa Tacsida Qaran,iyo Aaska Qaran.
JAAMAC:-waa sugeynaa ee Booqasha Madaxweyne Siilaanyo ee Sool,Sanaag iyo Cayn maxaa kaaga baxay?!!.
JIMCAALE:- Waa madaxweyne shacabkiisa dooranaaya ee maxaa ku jaban.
JAAMAC:-Waxaan sugaynaa Madaxweyne Gaas iyo jawaabta uu ka bixiyo waayo isagaa lahaa waxaa lagu soo xadgudbay Xuduudahayaga.
JIMCAALE:-SHeegasho maxay soo kordhihee shacabka Goballadaas degan ayaa labada Dowladood ka dhexeeyee.
JAAMAC:-waa tahaye nabadey Magaaladaan……
WAxaa Diyaariyey:
C/laahi M. Cumar (Mucjis)
Muqdisho, Soomaaliya

SHARE