Sheekadii Xiisa Badneyd RUNTU WAA XAL DHAB AH Qeybta:24-aad

0
260

Qeybta:24-aad
“Kooxda sedexaad ee iga soo horjeeday ayaan eegmo aan dareen ku jirin eegay mise waxay in dhahayga ku dhaceen laba qof oo isku naban, hoos ayaan ugu jeestay anigoo shaki I galay, “Qofkaan intaad ku arki jirtay?” ayaan is weydiiyay, si degan ayaan hadana u eegay in dhaheyna ayaa isku dhacay… cajiib…!!!”Qofkaan u ekaa xaaskayga suleeqa” ayaanhoosta ka iri, “koleey waan ogaa in aysan xaaskayga ayan waayo ma imaaneyso xaaksyega meeshan oo kale, mana cunto Qaadka oo balwad ma lahan” ayaan hadana isku qanciyay.
Anigoo hoos u foorara ayaan mar kale eegay, waxaan isku dhufanay indhaha ” Nacam..waa iyadii oo waxay xiran tahay hal dirac oo aqfiif ah oo aan wax kale uga hooseyn, waxaana u deysnaa timaha, waxayna barkan tahay garabka wiilka la fadhiya, waxaana fkeeda ka sug sug lahaa qaaca sigaarka, waan naxay, anigoo dhanba waan isla gariiray, mana dhici karto ayaan niyada iska iri ” Ma aha xaaskaaga ” ayaan hadana iri anigoo weli shaki igu jiro.
“Naa ma waalatay, ha isku gudbin sigaarka”ayuu yiri wiilkii la fadhiyay “Ninyahow ma waalan tahay , ha deg degin sow tan xaaskaaga aad uga soo tagtay guriga hal saac ka hor “ayaan hadana isku waaniyay.
“Markii aan maqlay magaceeda ayay iigu dhamaatay, waxaana hoosta ka eegay iyadii si aan u sii hubsado, mise diraca waxa uu u joogaa jilbaha ka kor, waan isla gariiray, waxaan damcay in aan hadlo oo aan hubsado, hadana waan is celiyay , ma naagtaada oo nin ku naban ayaa hadal u baahan?” ayaan niyada iska iri maad intaad aistaagtid, kula tumatid meesheeda iyada iyo kan la fadhiya” intaan hadana is iri ayaan ka hinqaday fadhiga, si aan talaab uga qaado arrinta foosha xun ee igu cusub.
Markaan fadhiga ka wada kacay ee aan damcay in aan xageeda u dhaqaaqo ayaa gadaal la iiga yeeray , waan is celiyay, intaan sheydaanka iska naaray ayaan si daciif ah ku iri, anigoo ciil dartii dhuunta ila kala go’an tahay ” Haaye dhalinyaro raali iga ahaadahee, waan sii soconayaa” waxaana ka baxay albaabka, aniga oo aan garaneyn sida aan ahay, Oo miyaan garan karaa, waayo waxaan ahay nin ay godkiisa biyo ugu soo galeen, Haddii ay qofkaasi noqoto Marwo Suleekho, waxaan horay u soo raacay Aadankii ii yeeray oo markii horeba goobta I keenay, mar alaale markii aan soo gaaray albaabka hore ee guriga ayaan istaagay, waxaan igu soo dhacday naagtii ninka ku nabneyd , Oo ma naagtaada oo nin ku naban ayaad uga soo tagtay, intaan is iri ayaan ayaan gadaal isu rogay, si aan ugu noqdo qolkii baas ee ay balaayada ka oogneyd, Waxaana gacanta iga qabtay Aadan ” Muusoow, maxaa kugu dhacay, inteed u noqotay?” ayuu I weydiiyay Aadan isaga oo igu dhegen isla markaana aad moodo in uu dareemay in aan caadi ahayn.
“Sigaarkii aan watay ayaan ka soo tagay”ayaan iri aniga oo ku mar-marsiyoonaya, “sow kan aad gacanta ku heyso ma ahan sigaarka?” ayuu igu yiri isaga oo ila yaaban , intaan naxay oo aan soo baraarugay sidii qof maahsan oo kale ayaan iri aniga oo eegaaya sigaarka gacanta iigu jiray…..
La soco qeybaha kale ee soo socda
Waxaa Qorey:
Abshir Cali warsame (SHire)
Dulqaadka.com
Muqdisho, Soomaaliya

SHARE