Jaamac iyo Jimcaale (Sheeko Siyaasadeed)

0
174

JAAMAC:-Jimcaale haye
Min Gaalkacyo, Liido ilaa Baar dheere maxaa halmar looga qaylasiiyay???.
JIMCAALE:-wixii dhici jiray wax kabaxsan ma dhicin, waxaase yaab ila ah waxa cashar looga baran la’yahay ilaa hadda.
JAAMAC:-anna waxaan layaabanahay Qarax waa dhici jiray ee sida Ay uga jawaabeen Reer Puntland, waanaqaan halka nalaka soo weeraray, Gaadiidka kayimaada Koofurta iyo Bartamaha waa xayirnay iyo…..
JIMCAALE:-Waxaa ku cusub Qaraxyada ayaan filayaa.
JAAMAC:-waatahay khamiistii maxaa jidadka loo xiray maxaa soo kordhay?.
JIMCAALE:-dhegaha miyaad ka xirantahay ma maqal miyaa in Janan qaali ah Somaalida ka dhintay oo Calanka hoos loo dhiga.
JAAMAC:-Jananku haddii uu qaali yahay maxaa loogu qasbay in uu Qaxooti ku dhinto isagoo cimrigiisu sagaashan yahay, Calanka aad sheegtay ee hoos loo dhigayna ma kan xamaraa, makan markaa, makan kismaanyaa, mise waa Kan Boosaaso, Somaaliya Hal Calan waa diidaye.
JIMCAALE:-waa tahaye Shirka Japan Iyo Afrika maxaa ka soo bixi raba.
JAAMAC:-Japan iyo Afrika isma fahmi karaan ee in uu Baabuurtiisa ka iibsado ayuu rabaa, laakiin Somaaliya kaalin fiican ayay ka qaadan kartaa oo boqlkiiba sideetan Baabuurta raaxadu waa Japan
JIMCAALE:-Japan haddii aan Karattee laga baranayn waxkale kuma arag.
JAAMAC:-Karattee halkaan kama shaqeeyo ee wax qaraxa looga hortago mahaayaan.
JIMCAALE:-saaqaas ha igeline soo bari

Waxaa Qorey:
C/laahi M. Cumar (Mucjis)

SHARE