SHAAHILEY HA II SHEEGIN (Sheeko Cusub oo xiiso leh) Qeybtii 1 aad

0
575

shaah macamar soomaaliyeed

Qeybtii 1 aad

Balqiso waxey ku dhalatay magaalada mandheera ee dalka kenya xaafada buulo jamuuriya waalidkeed waxey dhaleen sadax wiil iyo sadax gabar.

Balqiso waa curudka guriga waxey dhigan jirtay dugsiga hoose dhaxe ee Mandheera qoyskooda waa iska sabool.

Hooyo Dahabo waa balqiso hooyadeeda waxaa miis yaroow qudaar ku iibisa suuqa weyn ee mandheera iyado nolol maalmedka reerka halkaas bey ugu soo dhicisa.

Xaaji Warfaa oo isna ah balqiso aabaheeda wuxuu ka mid ahaa JIIFYAASHII magaalada inkastoo haatan hool gab ay ka dhigtay dowlada wuxuu ku soo biyo shubtay in uu ilmaha qaarkood oo ahaa kuwa yar yar ayuu guriga isaga dhax haaya bacdama hooyo dahabo aroortii waxey u kalahda suuqa.

Balqiso iyada qudheeda aroor hore markey salaada subax tukato waxey guda gasha in ay reerka u sii diyaariso canjeero kadib waxey aadaa iskuulkeyda ay wax ka baran jirtay ileen horaa loo yiri gacmo wadajir bey wax ku qabtaan.

Balqiso xaaji warfaa waa gabar yar oo dadaal badan waxey isku wada waxbarasho iyo hoosha guriga waxey saaxiibo nafta ka wada dhaxeysa wada yihiin Ifraax Maxamed Cali sidoo kale waa isku galaas kalama haraan.

Aroortii wey is wada raacan duhurkiina markii laga soo wada fasaxa iskuulka waxey soo maraan suuqa si ay hooyo dahabo ugu soo qaadan qudaartii qadada cida si ay balqiso ugu sii diyaariso.

Balqiso iyo ifraax wey ka wada duban yihiin ardayda kale maadaama ay wada yihiin saaxiibo aan kala harin xili kasta xataa markey xaafada wada joogan hadii ifraax loo baahdo qooskooda waxey ka soo raadin jiray guriga balqiso sidoo kale balqiso iyadana walaalaheyda ama hooyadeyda marku gabalka dhaco dib ugu soo laabato xaafada waxay ka soo raadin jirtay guriga ifraax mararka qaarkood labadaan saaxibada ku mataanoobey xiliyada habeenkii labada guri midkood bey daruustii loo soo dhigay ku aqristaan

Waa Socotaa

 La soco qeybtii 2 aad SHAAHILEY HA I SHEEGIN

Waxaa Qorey

Cali Ameeriko