SHAAHILEY HA II SHEEGIN (Sheeko Cusub oo xiiso leh) Qeybtii 2 aad

0
607

shaah macamar soomaaliyeed

Qeybtii 2 aad

Faysal Yare wuxuu ku dhashtay magaalada mugdisho dagmada madiino xaafada mac macaan wuxuu wax ka bartaa dugsiga hore dhaxe ee cali xuseen ee isla dagmadaas ku yaalo.

Faysal yare waa wiil madi ah waalidkiisa waxey dhaleyn isaga oo kaliya, aabihiisa wuxuu geeriyooday isago uurka hooyadii ku jirto.

Faysal yare waa wiil aad iyo aad u jaclaa waxbarashada yaraantiisa wuxuu ku soo bar baaray qof si aad u xushmeya dadka diriska ah marku wadada ku arko isago aan salaamin labada gacmood ka dhunkan kama uu san tagi jirin eriyada afkiisa ka soo bixi jiray waxaa ka mid ahaa Aayo, eedo, Adeer Abti iyo Habar yar.

Faysal Yare alla ayaa ku beeray sida dadka loo qadariya faysal yare markasta wuxuu ku hamin jiray waxbarashada inuu heer fiican ka gaaro faysal yare yaraantiisa waxey saaxiibo ahaayeen Fu,aad oo ay diris wada ahaayeen.

Sidoo kale waxey wada dhigan jireen dugsi quraan iyo dugsi iskuul maalinta jimcaha oo ay fasaxa ka wada yihiin waxey kubada cagta ku wada ciyaari jireen garoonka biyo ureenka oo ku yiilay safaaradii hore ee mareykanka.

Sidoo kale waxey ka wada tirsanaan jireen kooxda kubada cagta biyo ureenka xiliyada habeenkii ma aheen dadka isku mashquuliya in uu daawado aflaanta ama aado shineemooyinka wuxuu ka jaclaa in uu iska aqrisado habeenkii buugaantiisa iyo casharada maalinta loo soo dhigo ama casharadii hore.

Faysal waa wiil dabeecad wanaagsan kaftan badan dadka xushmeya  

 Waa Socotaa

 La soco qeybtii 3 aad SHAAHILEY HA II SHEEGIN

Waxaa Qorey

Cali Ameeriko