Faallo: Maxaa Guurka Godobta looga galayaa?

0
253

maxaa_guurka

Guurku waa sharaf waxaana umadda muslimiinta ah la faray in guurkooda ay faafiyaan marka ay galayaan taas oo macnaheedu tahay in uu yahay wax lagu faano, dhaqanka Soomaalida marka la fiiriyo waxaa jira guurka aad ayuu qiimo ugu leeyahay oo gabadha xoolo badan oo kala duwan ayaa laga bixin jirin kuwaas oo leh magacyo kala duwan sida YARAD iyo GABAATI, waxaa soo baxay markii magaalooyinka la yimid isbedel dhinaca dhaqanka ah oo dhinaca kalana diinta qilaafaya.

AROOS DARBI: waxaa sida caadiga ah dumarkeenu dhaqan u leeyihiin in ay isu yeertaan xilliyada arooska oo ay iskaashadaan taas oo la yaqaano DIGID dumarka qaar ee dhowr mar aroos loo digto laakiin iyagu aan helin aroos ay dad u digaan ayaa abuuray dhaqan cusub kaas oo ay u bixiyeen aroos darbi waana in la abaabulo aroos been ah si qofkaas uu usoo ceshado lacagtii dhowrka mar laga qaaday kadib markii aroos loo digtay.
Dhaqankii aroos darbiga ahaa ayaa casriyoobay kadib markii ay dadku bilaabeen aaladaha casriga ah sida Faceboog, Twitter, Snapchat, Instagram iyo kuwo kale waxaana la arkay dhallinyaro aan guursan oo bartooda bulshada ku shaacinaya in ay xaas noqdeen, mararka qaar waa dhaqan u eg in la isaga dayanayo marna waa talaaabo ujeedo gaar ah ay ka leeyihiin.

Waxaa yar inta qof ee habka ku dayashada ah u sameeya ficilkan taas oo ka dhigan in ay badan yihiin kuwa ujeedada gaar ah kaleh, “I got marriage” ayaan arkay dhowr gabdhood oo saaxiibadeey ah oo bartooda soo dhigay si la mid ah dad badan oo ay asxaab yihiin ayaa ugu hambalyeeyey guurkooda laakiin muddo kadib ayaan arkay gabdhihiin oo si caadi ah noloshoodii u wata oo aan is iri waaba ay iloobeen in ay shaaciyeen in la guursaday.

Sababaha aan taaban karo ee aan ogaaday in arintan ay ka dambeyso waxaa ugu weyn labo middood in gabadhu ay ku xumeyneyso ama ku kululeysaneyso wiil ay xiriir wadaag ahaayeen ama in ay dooneyso in ay saaxiibo cusub sameysato oo ay iska qariso dadkii ay hore saaxiibada shaqada ama sheekada u ahaayeen.

Si walbaba ma garan karo sabab keeni karta in qofku uu naftiisa been ka sheego laakiin waxaan u deynaa dadkale ee aqoonta iyo garaadkaba igu dheer arintaan balse waxaan uga baxayaa Maxaa Guurka Godobta looga galay?

W/D: Deeqo Nuur Axmed.

Dulqaadka.com