SHAAHILEY HA II SHEEGIN (Sheeko Cusub oo xiiso leh) Qeybtii 3 aad

0
471

shaah macamar soomaaliyeed

Qeybtii 3 aad.

 Wuxuu waqtiga is guraba sanado sanooyin dhaafeyn ileen waqtiga kulama tashan maayo inkastoo horay loo yiri dumarka habeenkii waxaa loogu daraa xaga koriimada DHAG DAMEER KKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKK.

BALQISO Wey baaluqday ama dadii baa u korortay waxey gaadhay gabar gashaanti ah waloow iyada iyo saaxiibteyda qumaad IFRAAX waxey ka barmoosey galaaskii 8 aad markii ay noqdeen dadka ugu natiijada wanaagsan ka galay iskuulka.

Waxaa la yiri DADAALA WUU GAARA waxey gashay waxbarashada kaalinta 1 aad iyadoo u gudubtay dugsiga sare iyada iyo saaxiibteyda in mudo ah markii ay waxbarashadeyda wadatay.

Maalin maalmaha ka mid ah iyadoo galaaskeeda xisadeeda qaadaneysa, MAAMA DAHABO oo ah Balqiso hooyadeyda iyadoo iska fadhida goobteedii suuqa qudaarta ay ku iibinesay ayaa si lama filaan ah baa wadnihii istaagay waxaa la arkay iyadoo dhulka ku sii dhaceysa.

Dadkii jiiraankeeda (deriskeeda) ahaa hal mar baa lagu soo xoomay war heydhe dahabo hadal maxaa ku helay areey si fiican u daymoo xaa ku dhacay hadli meysee marba dhan baa loo rog rogay waxaa la isku afgartay in lala cararo isbitaalka gaari halka ka dhawaa baa lagu ka xeyay dadkii ganacsatada ahaa ayaa qaar raacay qaar kalana wey lugeyeen maadaama isbitaalka halka kama aana fogeen.

Durbadiiba waxey gaareen isbitaalkii waxaa la saaray saaladii dhaqaatiirtii baaritaan guda galay waxey xaqiijiyeen maama dahaba in ay mar hore nafta ka baxday dhaqtar AYUUB ayaa isago murugi ka muuqato madaxiisana hoos fiirinaaya ayaa banaanka u soo baxay wuxuu soo ag istaagay dadkii banaanka dhoobna

la soco qeybtii 4 aad

SHAAHILEY HA I SHEEGIN?

Waxaa Qorey

Cali Ameeriko