SHAAHILEY HA II SHEEGIN (Sheeko Cusub oo xiiso leh) Qeybtii 4aad

0
442

shaah macamar soomaaliyeed

Qeybtii 4-aad.

Qormadeenii dib u xusuusin:

Qeybtii sedexaad waxay noo joogtay Mama Dahabo oo la geeyay isbitaal kadib dhaqtarkii ayaa u soo baxay banaanka dadkii la socday maamada ayuu isago indhihiisa hoos fiirinaaya murugo ka muuqatay ayaa hal mar la soo booday:”Inaalillaah wa inaa ileehi raajacuun, geeridu waa xaq,ma dhinte waa illaah mamada wey geeriyootay”

Wax yar ayuu hakadey, Wuxuuna sii raaciyey “Mar hore baaritaan markii aan ku sameynay inay wadnaha istaageen ayaan ogaaney”

Dadkii banaanka hor dhoobnaa ayaa kadib is gacan qaaday alle ha u naxriisto.

Gabar ka mid aheyd dadkii suuqa meherada ganacsiga ku lahaa ayaa waxey durbadii go’aansatay in ay aado iskuulka Balqiso dhigato, kama  fogeen isbitaalka wuu ka soo horjeeday.

Iyado Oyneysa bey soo dhaqaaqday gabadhii, kadib waxey soo gaartay iskuulkii, durbadiiba waxey u tagtay maamulihii iskuulka oo xafiiskiisa dhax fadhiyay, isa salaamid kadib waxey la socodsiisay geeridii Balqiso hooyadeed in ay hada geeriyootay iminka isbitaalka ku jirto.

Maamulihii inta uu naxay ayuu la soo booday “Alle ha u naxriisto maamada ma xanuunsaneyd”

Gabadhii ayaa la soo booday “Maamule Maamada ma aysan xanuunsaneyn iyadoo goobteeda ganacsiga joogta ayuu wadnaha istaagay”.

“Bisinka” intuu yiri maamulaha ayay gabadhii isa soo wada raaceen, waxay markaas soo wada aadeen galaaskii ay wada dhigan jireen Balqiso iyo Ifraax.

Maamulihii inta galaaskii albaabkiisa gargaraacay buu u yeeray macalimad jawaahir oo markaas xiso dhigeysay, kadibna wuxuu la socodsiiyay geerida lama filaanka ku timid Balqiso hooyadeed iyo in ay geeriyootay.

“Iminka in aan fasaxno ayaa rabaa ee u wada yeer labadaas hablood” ayuu maamulihii ku yiri Macalimadii.

Macalimada Jawaahir ayaa durbadii waxay magac dhawday (ku dhowaaqdey) ifraax iyo Balqiso, kadibna durbadii intey soo wada carareen waa qabardaar (war mooge), waxey moodaayeen in wax kale loogu wada yeeray,  intey u yimaadeen markii ay banaanka u soo wada baxeen waxay wada arkeen maamulihii iyo gabar ay bar garaneyeen bey indhaha ku dhufatay ….

la soco qeybtii 5-aad

SHAAHILEY HA II SHEEGIN

Waxaa Qorey

Cali Ameeriko