Habka loo Qoro fariin Jaceyl ah (Warqad Jaceyl oo aad u direyso qof aad jeceshahay)

0
10394

Marka aad qoreyso Fariin Jaceyl ah, oo aad u dooneyso in aad u dirto qof aad si weyn u jeceshahay, waxaa jira Habab badan oo aad u qori karto, Hadaba maadaama ay akhrsitayaasheena aad noo soo weydiinayaan, waxaan idin soo gudbineynaa dhowr hab oo fariimaha Jaceylka loo qoro, inagoo si joogto ah u soo gudbineynaa, waxaana ku bilaabeynaa Fariin uu wiil u qorayo Gabadh uu jecel yahay.

ereyo_jaceyl

Ku biloow Salaan, Adigoo adeegsanaya Erayadan oo kale.

Marka hore Salaan Guud

Marka xiga sedkaagiyo

Waxa aad ku sugan tahay

Aan kuba su’aalee

Simaneey ma nabad baa

 

Waxaad adeegsan karta Haddii aad u baahan tahay ereyo aan geeraar ahayn, oo aad ku salaameyso, kuna xog wareysaneyso.

 

Intaas kadib u dhaadhac tulucda ujeedadaada, si aad ugu sheegto in aad Jaceyl mug weyn u qabto, oo aad si weyn u tebeyso, adigoo adeegsanaya ereyo qoraaleed caadi ah, ama ereyo suugaaneed (Geeraar), Sida:

Dhererkiyo LIxaadkiyo

Dhabanada Labeenta leh

Dhal-dhalaalka lagu larey

Waa midkaan I dhaawacey

Iga dhigey nin dheeliyey

Dhaawaqii Iga xirey

Dhaq-dhaqaaqii iga jarey

Dhabana heyska igu ridey

 

Hadaba aan is raacino Warqada

 

Ku:______

Ka_____

 

Iga hano salaam Qaali ah oo ka soo go’dey qalbi qiimo iyo texgelin weyn kuu haya oo aad uga soocan tahay aadanaha dunida ku nool, jaceyl iyo Cishqi uu kuu qabo darted.

Marka hore Salaan Guud

Marka xiga sedkaagiyo

Waxa aad ku sugan tahay

Aan kuba su’aalee

Simaneey ma nabad baa

Gacaliso, Erayadan iyo kuwa kale oo badan oo aan jeclaan lahaa in ay dhegehaagu maqlaan, waxay si kal iyo lab ah uga soo go’ayaan niyad ku hamuun qabta, Haddiise aan tilmaamo in yar oo ka mid ah Jaceylka aan kuu qabo sida uu ii saameeyay, iga hano ereyadan:

 

Dhererkiyo LIxaadkiyo

Dhabanada Labeenta leh

Dhal-dhalaalka lagu larey

Waa midkaan I dhaawacey

Iga dhigey nin dheeliyey

Dhaawaqii Iga xirey

Dhaq-dhaqaaqii iga jarey

Dhabana heyska igu ridey

Maqalka Codkaaga dhegeheyga aad ayay u deg degayaan, Gacaliso, waxaan rajeynayaa in aad iga aqbali doonto.

Waxaan sugayaa Jawaabtaada

Ka: Qof ku jecel

Ereyada Geeraarka, waxaan ka soo guuriney Buug uu Qorey
Maxamed Cali Maxamuud (Madka)
Sanadkii 1997, oo la yiraahdo DABIN IYO DARUUF ADUUN

Dulqaadka.com