Yaa Argagixiso ah?(Qormada Todobaadka)

0
134

argagax

Anigu waa yaabaye, yaa argagixiso ah?:

Su’aashan haddi Dooli (jiir) la weeydiiyo, wuxuu ku jawaabayaa Bisad (mukulaal),

-Haddii xilla gube xaaskiisa la weeydiiyo waxa ay ku leedahay Saygeeyga,  -Haddii sheeydaan la weeydiiyo wuxuu ku leeyahay muuminiinta,

-Haddii duur joogta la weeydiiyo waxa ay ku leeyihiin libaax,

-Haddii falastiin la weeydiiyo Israa’iil,haddii israa’iil la weeydiiyana falastiin.

argagaxiso

Dowladaha waa weeyn hay’adahooda sirdoonku, waxa ay kireeystaan shirkado madaxbanaan (private companies) u diyaariya liiska argagixisada, shirkaduhu waxa ay lacag ku qaataan hadba inta liiska ay ku soo daraan, illaa uu gaaray 5 milyan oo ruux. Laga yaabee in fal ay dowlad ama kooxi abuurtay,haddana isla iyadii ay ugu yeerto argagixiso.

argagaxoo

Qofba qofkii uu dhibsado ayuu argagixiso u yaqaan, qof aan qof u dhibsaneeyna ma jiro!!!!, Maxaad u nooshahay ayaa la isku dhibsadaa, maxaa ALLA kuu siiyay raxmadiisa ayaa la isku dhibsadaa, waxaa jira xaasidnimo aan sabab u baahneeyn.

Haddii dowlad, koox iyo shaqsiba midba si noogu macneeyo, muxuu noqonaa fasirka guud ee cilmiyeeysan ee aan ku qeexi karno argagixiso ?.

Markaa adiguna argagixisaad qof u tahay isma ogide, kii aad tiraa argagixisaa tahay adaa ah ayuu ku leeyahay.

Argagixisada caalamiga ah ee la sheegay dooli iyo bisadu ma ku jiraan? Adiga iyo Anigu ma ku jirnaa?

Waxaa Qorey:

Prof: Yahya Sh. Amir

 

Haddii aad heyso qoraalo wax tar leh, noogu soo dir E-mail: dulqaadkanews@gmail.com

Dulqaadka.com

SHARE