SHAAHILEY HA II SHEEGIN? Qeybtii 5aad

0
214

Qeybtii 5-aad

Maama Dhubado Cali oo ka mid ah dadkii jiiraanka ahaa Maama Dahabo Halka ay qudaarta ku iibinesay ayaa iyana waxey u soo carartay si ay u soo wargiliso Xaaji warfaa oo ahaa Maama dahabo odaygeeda waxey afka soo aadisay dhankii xaafada buulo jamuuriya.

In cabaar ah markey soo socotay bey waxey soo gaartay gurigii maama dahabo intey albaabkii sadax mar KUB KUB KUB siisay ayaa waxaa dhagaheyda ku soo dhacay yaa waaye…….

Maama dhubado Cali ayaa iyana waxey tiri xaaji warfaa waa aniga ee iga fur albaabka xaajiga waa qabadaar moog ilmihiisa yar yaraa buu iska maaweylinaya waxa gadaashiisa dhacay kama warhaaya illeen wuxuu ogaa dad iyagoo caafimaad qaba oo aroortii u kala baxay maamada oo aaday goobteyda ganacsiga iyo gabadhiisa oo iyana u baxday iskuulka ileen naftu waa amaano cid kula tashaneysa jirin xiligii la doona laga qaadaya jiro oo kaliya looma dhinta qof caafimaad qaba ayaa geeriyoon kara.

Inkastoo nafta nagu wada tahay amaano xaaji warfaa ayaa soo istaagay wuxuu u soo dhaqaaqay dhankii albaabka kadibna wuu ka furay isbariidin kadib horay u soo gal buu ku yiri xaaji warfaa intey gudaha soo wada galeen buu gambar halka yiilay u soo qabtay ku yiri bal fariiso dhubado cali kadibna inta ay fariisatay.

Xaajigii maba sii sugin durbadiina koob ama galaas biyo ah intuu u soo daray buu u kenay kadib inta soo ag fariistay bey waxey guda galeen kaftan sheeko iyo is xog wareysi labada dhinaca ee reerka qof walba sida uu xaal yahay cidiisa buu ugu waramay.

Maama dhubado cali ayaa waxey u sheegtay islaanta in ay suuxday kadib dadkii suuqleyda ahaa in ay isbitaal u kaxeyeen oday xaaji warfaa ayaa la soo booday bisinka maxaa helay maamada dhubado cali ayaa ku qancisay wey dhacda qofka in uu iska suuxo xaaji warfaa ayaa yiri dhubadoy bal ii kaadi isbitaalka baa isku wada raaceyna waa soo labisana haye bey tiri iyana kama war haaysa geeri in ay jirto gadasheeda dhimatay dahabo

shaah macamar soomaaliyeed

Waa socotaa

la soco qeybtii 6 aad SHAAHILEY HA II SHEEGIN?

Waxaa Qorey
Cali Ameeriko