RUNTU WAA XAL DHAB AH (Sheekada Jimcaha) Qeybta:27-aad

0
618

Qeybta:27-aad

“Oo ma in ay is guuradaan ayay rabaan..?” Ayaan weydiiyay Aadan, anigoo raba in aan ogolaado sababta ku kaliftay in ay bixiso biilka Joogtada ah, maadaama ay tahay nin xaaskiis.

gabar

Si uusan u dareemin in ay tahay Xaaskeyga, gabadhaa uu ka sheekeynayo,

Intuu ilko cadeeyay ayuu yiri isaga oo sii deminaayo sigaarkii u shidnaa “Guur aaa…intuu yaalaa guurka aad sheegeyso, waa naag butaano ahee oo waxeeda ka raaxeesaneysa”.

Intaan isla Gariiray ayaan ka hinqaday fadhigii, Waxaana damcay in aan indhaha bartooda gooyo, hadana waan is celiyay, maadaama uusan ogeyn in ay xaaskeyga tahay qofka uu igu hor aflagaadeynayo, waxaana dib isugu celiyay kursigeygii, si uusan u dareemin carada iga heysa aflagaadadiisa ayaan qaanada Miiska kala soo baxay labo xabo oo kaniini anti daloore ah, waxaana ku ritay afka, waana ruugay anigoo aan wax biyo ah aan ku laqin.

“Bal Arka baastarkaasi” ayay la soo booday naagtii kale iyadoo argagaxsan, “Waa dhilo…!!!” “Ma asagaa ka dhileystay markuu sidaasi leeyahay”ayay hadana raacisay hadalkeedii “Alla muu markaasi dharbaaxo Miskiinsanaa ninkaaga” ayay hadana raacisay hadalkeedii”.

“Alla Muu dharbaaxo”ayuu yiri Cumar isaga oo jigraaraya naagta kale, “Haddii Wax uu wax dharbaaxi karo, Miyuu ka soo tegi lahaa markii indhahiisa ku arkay naagtiisa oo nin kale la raaxeysaneyso?” ayuu hadana Cumar Raaciyay Hadalkiisa, isaga oo si kulul u eegaya Naagtii kale, kana Carooday hadaladeeda.

“Muxuu Aadan Runta u sheegayaa miyaad leedahay..? Ayaan weydiiyay naagta kale, “Muxuu Runta u sheegayaa Aaa..Runtee.. oo Maxay tahay Runta uu sheegaayo..?” ayay tiri naagtii kale, iyadoo kor iyo hoosba iga eegaysa, indhahana ii kala gedineysa.

“Ma isagaase og in ay tahay dhilo.. Bal fiiri adigana Naasiroow Waxa aad ku hadleyso nin weyn baad tahay” ayay hadana tiri iyadoo fadhiga qaab sameysaneysa.

“Naga Aamus wax xil leh afkeena haka keenine “ayay hadana naagtii kale raacisay hadalkeedii, iyadoo si quursi ah ii eegeysa, waxaana ka dareemay naagta kale in ay daafaceyso hablaha kale ee qaadka cuna oo lagu tilmaamayo in ay yihiin dhiloyaal, maadaama ay iyadana ka mid tahay hablaha Qaadka cuna.

“Waxay tahay ma iyadaa isweydiin leh” ayuu yiri Cumar, isaga oo eegaya Naagtii kale, isla markaana u muujinaya in ay isku mid yihiin Hablaha Qaadka Cuna, gaar ahaan kuwa marwooyinka ah.

“Waan isku naxay waxaana i galay Xishood, waayo waxaan dareemay in aan ku ceeboownay marwo suleeqa oo ah qofka aan isku heysano, “Waa dhilo iyo Ma aha”, waxaana Hoosta ka gujiyay Cumar, si aan isagana u xasuusiyo (Dareensiiyo) in ay na hor fadhido, nala maqleyso Marwo suleeqa…..

Waa Socotaa

La soco Jimcaha danbe

Abshir Cali Warsame (Shire)

Xafiis wareedka Dulqaadka

Muqdisho, Soomaaliya

E-mail: dulqaadkanews@gmail.com