RUNTU WAA XAL DHAB AH (Sheekada Jimcaha) Qeybta:28-aad

0
718

Qeybta:28-aad
Intaan u Ilko cadeeyay Marwo Suleeqo ayaan hoos uga jeestay “Suleeqa naga raali ahoow aflagaado nagama aha eewaxaan warka ugu danleenahay Naagtaan”ayaan ku iri Marwo Suleeqa, aniga oo ka raali gelinaya Aflagaadii naga dhacday oo ku saabsaneyd Iyada.

gabar
Marwo Suleeqa intey noo ilko cadeysay ayay fadhiga qaab sameysatay. Isha Inteey nala Raacdey ayay hoos nooga jeesatay “In aan raali noqdo waan qasbanahay”ayay tiri Marwo Suleeqo. “Waayo Anigaa kasbaday in ley yiraahdo ama leyga tilmaamo waxyaalaha xun xun, sida Dhilo, Shuubo I.W.M, Maadaama aan dhex galay badweynta foosha xun oo lagu yaqaano in ay ka kaluumeystaan dadka noocaasi ah” ayay hadana tiri. “Markaa idinka ma idinla yaabani” ayay hadana raacisay hadalkeedii.iyada oo noo muujineysa in aysan waxba ka dhiganeynin hadalkeena, maadaama ay iyadu ka sheekeeyneysa waxyaabihii foosha xumaa ay kala kulantay cunista qaadka. “Markaa waxaad ogaatiin in ay Soomaalidu horay u tiri …Sida lagu moodo waad ka sareysaa, sida aad is moodana waad ka hooseysaa” ayay hadana tiri iyadoo ilko cadeyneysa.
“Marka aan idin dhameeyo sheekada” intey tiri ayay halkii ka sii waday sheekadii..
“Markii uu ninkeyga ka sheekeynaayay sida uu ku ogaadey in aan baddaasi ku dhex jiro, wuu isla gariiraayay, si xad dhaaf ahna wuu u dhididaayay isagoo aad moodo in uu falkaasi foosha xun uu hada hor yaalo. Anigana waxaa i gashay cabsi weyn markii aan arkay sida uu iskula gariiraayo, waayo waxaan ka cabsi qabay in uuba isku key rogo oo cafiskii uu ii fidiyay uu noqdo hal bacaad lagu lisay, waxaana cabsiga igu beeray markii aan arkay heerka uu gaarsiisan yahay heer kulkiisa, iyo sida xad dhaafka ah ee uu isaga dabo shidaayay sigaarka. Intii uu i waday sheekada ayaan ka yara durkay si uusan wax iigu dhufan, haddii uu is iloobo oo uu xanaaqo ka tan badsho.
Cabaar markuu aamusnaa ayuu indhaha ila raacey, hoos ayuu hadana iiga jeestay, wuxuuna halkii ka sii waday sheekadii…
“Si uusan u dareemin carada iga heysa aflagaadadiisa ayaan qaanada miiska kala soo baxay labo xabo oo kaniini anti Daloore ah, waxaana ku ritay afka, waana ruugay, anigoo wax biyo ah aan ku liqin, waayo maxaan ku sameyn karaa ninkaasn odayga ah ee iiga kaa sheekynayaa…?!!” Ayuu i weydiiyay isaga oo i eegaaya.
“Oo waayo… Oo haddii aad dharbaaxdo ama aad garaacdo sow kama jid lihid?” ayaan ku iri ninkeyga, aniga oo u muujinaya in uu ka dagaalami karo aflagaadeynta xaaskiisa.
Intuu si fiican u jiiday sigaarkii ayuu i eegay “Oo sideen baan uga jid helayaa… Haddii uu run sheegayay…?” ayuu yiri.
Intaan ka carooday hadalkiisa ayaan ku iri “Oo maxay tahay runta uu sheegaayo…Miyaadse ka runsaneysaa xaaskaaga waa dhilo..?”.
Intuu i eegay ayuu hoos iiga jeestay “Waan ka rumsanayaan oo waan ku qasbanahay, waayo waxaan markaasi daqiiqado ka hor indhaheyga ku soo arkay adigoo dhileysanaaya oo ku nabn nin kale.!!!!” Ayuu yiri isaga oo si fiican ii eegaayay oo isla gariiraayay.
“Alla Ba ‘ayeey…!!, Maxaa kuu geeyay su’aashaas..?” Ayay la soo booday naagtii kale oo ka naxday dhileysiga lagu cadeeyay Marwo Suleeqa. “Sow ma aragtid in uu isla gariiraayo oo uu iska ilaalinaayo in uu wax ku yeelo” ayay hadana naagtii kale raacisay Hadalkeeda, iyadoo argagaxsan.” Oo waaba doodeysaa sida qof isla toosan…Ma hadalbaaba kugu Waajiba” Ayay hadana tiri naagtii kale.
Waa socotaa
La soco Jimcaha danbe….
Waxaa Qorey:
Abshir Cali Warsame (Shire)
Dulqaadka.com
Muqdisho, SOomaaliya