Jimcaale iyo Jaamac (Sheeko Siyaasadeed Xiiso Leh)

0
174

JAAMAC:-Jimcaale saaka maxaad haysaa??.
JIMCAALE:-xaan hay lahaay weli daalkii shirkii IGAD ayaa ihaayee!!.
JAAMAC:-shir waa la arki jiray laakiin Banddowga Ciidda lasaaray ayaa igu cusbaa.
JIMCAALE:-hadii shir lamarti gelinaayo Caasimadda ayaa la nadiifi jiray, Calamada Waddamada shirka yeelanaaya ayaa Dukaamada oo dhan lagu xardhi jiray, nabadda oo ay sugayaan Boliis iyo ciidamo tababar gaar ah leh oo aan Cabdi bilayaal ku boola xooftayn ayaa loo diri jiray, wufuudda martida ah waxay dareemijireen deganàan iyo rayn rayn, Mashaariicda Dowladda martida loo yahay ay fulisay ayay booqan jireen,
JAAMAC:-hadaanba sidaas layeeli karin maxaa dadka loo go’doominaa.
JIMCAALE:-Ma aqaane maxaa Reer Jowhar iyo Duqu isu sheegeen?.
JAAMAC:-ma fahmin laakiin waxay iila egtahay in Reer Hiiraan Farriin adag loogu dirayo oo ah Haddaad imaan weysaan laydiin fadhin maayo.
JIMCAALE:-kagudube madashii ma shirkii Abriil ayay dib ugu làabteen markii ay isku mariwaayeen wixii ka dambeeyay.
JAAMAC:-haa oo is qab-qabsi ayaa laga bixiwaayay iyo añaga hanaloo badiyo, qola heblana qaar halaga jaro, waxaase iila yaab badan Muqdisho wax malaha, Labdii xubnood ee qabiilka Reer Banaadiriga lasiiyayna waa alif maxalin tiray.
JIMCAALE:-horaa looyiri hadda xaq lagama gaaro ee xal ayaa larabaa!!!!.
JAAMAC:-waxaan xaq ahayni xal manoqdaan ee halaga fiirsado.
JIMCAALE:-hadiiba aad qarnigaan caddaalad sugaysid eber ayaad ku dhegantahaye ee maxaad Ceel-waaq ka maqashay??.
JAAMAC:-Ceel-waaq waa dheeryahaye Ceelasha xitaa kaaga warrami maayo, ee ma maqashay in Labadii musharax ee mareykanka madaxweyne u noqonlahaa ay tacbaan yihiin waa Taraam iyo Heleriye.
JIMCAALE:-hadayba caafimaad darro hayso may iska daayaan tartan iyo shidadiisa ma sidii Soomaaliya oo kale ayay kursi ku waalan rabaan.

mucjis
La soco Qeyb Cusub
Waxaa Diyaariyey:
C/laahi M. Cumar (Mucjis)
Dulqaadka.com
Muqdisho, Soomaaliya