RUNTU WAA XAL DHAB AH (Sheekada Jimcaha) Qeybta:29-aad

0
1158

gabar-1

Qeybta:29-aad

 Oo maxay u doodi weysay… ma iyadaase Dhilo ah… waa runteede” ayuu Cumar si is foota ah u yiri Naagtii kale isagoo Ilka Cadeynaayo oo ku faraxsan sida ay u qiratay Naagta kale in ay wada socdaan Qaad Cunida iyo Dhileysiga.

Naagtii kale iyadoo Caro ka muuqato ay si kulul u fiirisay Cumar, kadibna intey Anigana kor iyo hoos iga eegtay ayay hoos iiga jeysatay iyadoo Sanka taageysa.

Markaan Cabaar kala aamusneyn ayay Marwo Suuleqa indhaha nala raacday waxayna indhaha ku yara daahisay Cumar iyadoo aad muudo inay dareentay hadakii isfootada ahaa ee uu yiri in iyada loogu dan lahaa si tartiib ah ayay uga jeesatay iyadoo wax hadal ah ka dhihin hadalkii la yiri waxayna halkii ka sii waday sheekadii, ” Waan naxay waxaana iga soo booday dhidid waaweyn waxaana wadnaha igu dhuftay hadalkii uu yiri ninkeyga” waan ku qasbanahay inaan ka rumeysto waxa uu ii sheegay ninkaa waayo waqtgaas aan joognay wax yar ka hor ayaan indhaheyga ku soo arkay adigoo dhileysanaya oo nin kale ku naban, ” Waan ka naxay hadalkaa anigoo dhana waan isla gariiray waxa aan ku hadlo ayaan garan waayay, maxaan ku hadlaa hadalkaasi ma aha mid aan wax ka dhihi karo, wuxuuna hadalkaa igu noqday sun oo saameeyay jirkeyga oo dhan, waxaana i dikaamay qalbiga waxaana indheyga ku soo is taagay Ilin waxaana nacalad tusha uga tuuray Aadan fakin, oo sida foosha xun iiga war bixiyay, waxaana niyada iska weydiiyay waxa ku ka lifay ninkaas inuu sumcada iga dilo isla markaana uu la dagaalamo jiritaankeyga qofnimo (Naagnimo), ” waa Naag lagac heysata oo dhilo ah kana raaxeysaneysa waxeeda”, bal fiiri Ninkaas cadowtinimada uu ii qabo heerka ay gaarsiisan tahay weliba isagoo og Ninka uu sidaa ku leehayay inuu yahay kii i qabay oo aan u dhaxo, “Xiniinyaha Alle ku qabay oo meel Alle kaa bixiy ayaan niyada ka iri anigoo habaaraya.

Markii aan cabaar fikir ku maqnaa ayaan soo baraarugay waxaan si tartiib ah oo taxadir iyo cabsiba u ku jirto u eegay Ninkeyga bal inuu dareemay inaan fikir ku maqanahay iyo in kale mise wuu aamusan yahay isagana oo wuxuuba igu eegayaa indho kulul isagoo isla gariiraya oo dhidid fara badan ka qulqulaayo, hoos ayaan uga jeestay anigoo anigana isla gariiraya waxaana igu beermay cabsi iyo welwel waayo waxaan ka cabsi qabay inuu i is rogo oo arrintii aan is lahaa wey dhamaatay ay soo laba kacleyso oo ay aniguna halkaasi iigu dhamaato.

La soco Jimcaha danbe….

Waa Socotaa

La soco Jimcaha danbe

Abshir Cali Warsame (Shire)

Xafiis wareedka Dulqaadka

Muqdisho, Soomaaliya

E-mail: dulqaadkanews@gmail.com