Ookiyaale Casri ah oo la soo bandhigey, Snapchat

0
161

Shirkadda fariimaha lagu wadaago ee Snapchat ayaa soo bandhigtay ookiyaale-heedii u horeeyay ee leh kaamiro.

Ookiyaalahan oo shirkaddu u bixisay Spectacles ayaa la suuq gayn doonaa dhamaadka sanadkan isaga oo lagu iibin doono 130 doolaar.

Ookiyaalahani wuxuu halkii marba duubi karaa 10 ilbiriqsi.

Ku dhawaaqitaan kan awgii Snapchat ayaa magaceeda ku badalaysa Snap, Inc.

Go’aankan ay shirkaddu magaca ku badalatay ayaa hoosta ka xariiqaya hamigeeda ah in aysan ku koobnaanin meel fariimo laisugu diro oo kali ah, inkastoo uu aad caan uga dhex yahay dhallinyarada.

Wargaysta Wall Street Journal ayaa Jimcihii daabacay maqaal uu uga hadlayo Evan Spiegel oo ah 26 jirka aas aasay Snapchat.

Waxaana la socday sawirro badan oo uu ka qaaday Karl Lagerfeld oo ah nin ku caan baxay sawirro qaadidda.

ookiyaale

Dulqaadka.com

SHARE