Katrina Kaif:”Waxaan furanayaa Shirkad Fashion-ka ka shaqeysa”.

0
208

Atirishada caanka ah Katrina Kaif mudada dheerna Bollywood-ka kusoo jirtay ayaa la sheegay inay go’aansatay ganacsi cusub inay bilaawdo.

Katrina Kaif ayaa furan doonto shirad iyada iska leedahay oo qaabilsan dhanka Fashion-ka waxayna dooneysaa xidigtaan in hawlaheeda ay balaariso.

Katrina Kaif ayaa sheegtay inay Fashion-ka Hindiya wax badan ka badali doonto sidoo kalena ay heshiis la gaartay shirkado caalami ah oo mashruucaan kala shaqeyn doonaan.

Laakiin Katrina Kaif waxaa laga soo xigtay in mashruucaan dhawaan caga dhigan doonin wax walbana bilaaw yihiin sidoo kalena aysan doonin in macluumaad badan laga ogaado riyadeeda gaarka ah ilaa wax walbo sal dhigtaan.

Dhinaca filimada Katrina Kaif sanadkaan sanad wanaagsan uma ahan madaama labada filim ay sameesay Fitoor iyo Baar Baar Dekho labaduba ganacsi ahaan ka bur bureen sidoo kalena sheeko ahaan dadka iska diideen.

Katrina dhawaan waxay saxiixatay filimka weyn Tiger Zinda Hai oo ay la sameyn doonto Salman Khan waana qaybta labaad ee filimkii Ek Tha Tiger kaasi oo Blockbuster weyn noqday sanadii 2012.

katrina-kaif-15

Dulqaadka.com