Sheeko xanuun badan : Lamaane aroos ah oo calfan waayay macaanka nolosha.

0
382

Sheekadan waxaa qoray : Abuukar Salaad Diiriye “Fareey”.
Waxa ay ku bilaabatay sidatan :

Muddo laba sano laga joogo ayaa nin lagu magacaabo Yacquub waxa uu guursaday gabar lagu magacaabo Faadumo, nasiib darro habeenkii koowaad ee aqal-galkooda ayaa baabuurtii galbinaysay arooska waxaa ku jabay ninkii caruuska ahaa.

Caruuska waxaa uu helay baan fiican (daryeel wanaagsan) oo nafaqo leh, waxaa ku batay dareenka uu u qabo afadiisa oo uusan hal mar la kulmin, dhowr habeen ayuu damcay inuu si dhuumaalaysi ah kula kulmo, nasiib darro fursaddaasi waxaa u saamixi waayay aabihiis oo arrintaas bud u samaystay, markii horena kala dajiyay laba qol oo iska soo hor jeeda.

Caruuska jabay markuu kabmay baantiina dhamaystay, sida dhakhtarka lafaha uu xaqiijiyay ayaa caruuskii oo faraxsan, lana socda Aabihii ayay markeey isbitaalka ka soo bixi rabeen, waxaa laga horkeenay xaaskiisii oo dhiig matageysa kadib markii uu sac hertiyey.

Baaris caafimaad kadib waxaa la xaqiijay in laba feerood ay jabeen, markii la saaray “Xrey” raajato, waxaana loo soo qoray lix (6) bilood oo daawo ah.

Aabaha dhalay caruuska ayaa halkiisii ka billaabay inuu kala ilaaliyo labadaan lamaane ee baahida dareenka leh isu qabta.

Wax badan ayuu kahor tagay ballamo xilliyo danbe ay wada lahaayeen labadaan caruus ee mudada dheer kala degenaa labada qol ee iska soo horjeeda.

Rafaad dheer, muddo lix bilood kadib daawadii waa u dhamaatay xaaskii,, waxaana dhakhtarkii u sheegay in ayy raysatay oo ay caafimaaday.

Farxad iyo reyn reyn ayagoo dareemaya, odaygiina ugu ducaynaya Allaah ha idinka dhigo labadii isku raysa oo isku riinta oo waliba isku riixda ayaa madfac haboow ahi ku habsaday labadii is qabtay halkaas ayeyna ku dhinteen labadii caruus.

Waxaa lagu duugay qabuuraha Barakaat ee Magaalada Muqdisho, iyagoo xalaal isku qaba misna aan hal mar wada cayaarin, Odaygii dhalay caruuska illaa hadda waxaa uu dhex fadhiyaa labada qabri dhexdooda asagoo wali wata budkiisii kadib markii uu waashay ! waa dhacdo xanuun badan ,,,

aroos

waxaa qoray : Abuukar Salaad Diiriye “Fareey”.

SHARE