RUNTU WAA XAL DHAB AH(Sheekada Jimcaha)Qeybta:23-aad

0
301

Sixitaan: Kadib markii akhristayaasheena ay noo soo gudbiyeen fariimo ay nagu xasuusinayaan in Sheekada RUNTU WAA XAL DHAB AH labo qeyb ay ka maqan tahay, ayaan jecleysaney in aan idin soo gudbino Labada qeyb ee maqan oo kala ahaa Qeybta 8-aad oo dhowaan aan soo bandhigney iyo Qeybta 23-aad oo hadda aad akhrineyso. Aad ayaan u Mahadsan tihiin, Aragtidiina iyo wixii talo iyo tusaale ah noogu soo dira E-mail: dulqaadkanews@gmail.com

Qeybta:23-aad
Aadan gurigiisa waxaa I Bartay gabar aan saaxiibo ahayn oo iyadana Muqayilad weyn ahayd, waxayna gabaadhaasi saaxiib la ahayd wiil dhalin yaro ah oo uu Aadan Adeer u ahaa, wuxuuna wiilkaasi wax ka deganaa guriga.
“Oo Aadan Fakin ma kooxdiinuu ka mid ahaa oo uu idinla qayili jiray?”ayay naagtii kale weydiisay Marwo Suleeqo.
“Maya ..Kama mid ahayn kooxdeena, laakiin mar mar ayuu ka soo qeyb geli jiray qayilaada, laakiin naguma daahi jirin” ayay tiri Marwo Suleeqa, “Waxaanse aad uga naxay, ulana yaabay, Aadan Fakin ayaa xog-heyn u ahaa ninkeyga, mana ogaanin arrintaas, Cajiib.. ” ayay tiri hadana Marwo Suleeqa, iyadoo yaaban. “Waxaansse isweydiiyay, sida uu Aadan ku ogaadey in aan ahay Xaaska Muuse” ayay hadana sii raacisay hadalkeedii.
“Koley ninkeyga ayaa sheegi doono, maadaama uu hada ii wado shekada, ayaan qalbiga iska iri” ayay tiri Marwo Suleeqa, Waxayna halkii ka sii waday sheekadii.
Waan is toosiyay anigoo ninkeyga ka sugaayo in uu ii sii wado sheekada. Cabaar markuu aamusnaa oo sigaarkana uu iska dabo shidaayo ayuu ninkeyga halkii ka sii waday sheegay, isaga oo weli dhididaaya.
“Markii aan galnay guriga ayuu Aadan hor istaagay qolkii ugu sokeeyay qolalka, wuxuuna la soo baxay furihii qolka , markii furihii suray albaabka ayuu iga codsaday in aan sii fadhiisto fadhiga kuna sii sugo inta uu iiga imaanaayo, Waxaan u dhaqaaqey qolka fadhiga, waxaana Gaf igu soo yiri cuud iyo waxyaabo kale oo lagu carfiyo guryaha, Waxana dhegeheyga ku soo dhacayay muusig qafiif ah oo ka shidnaa qolka dhexdiisa.

gabar-2
Sidaan u soo socday waxaan dalaq soo iri qolkii fadhiga oo ay ku qayilayeen dhalinyaro aan sidaa u badneyn. Dadka dhex fadhiyay qolka sidaas uma arkeyn, Waayo qolka waxa uu ahaa mugdi, Waxaana daaqadaha qolka u deysnaa daahyada, wax hadal ahna kama dhex yeerayn. Waxa kaliya ee aan maqlayay waxa ay ahayd miyuusiga qafiifka ah ee u saarnaa dhalinyarada qayileysay, Jewiga qolka waxa uu aha mid aad u degen oo aan wax dhaq-dhaqaaq ah oo sidaa ah uga muuqan, qolkana si aad u qurux badan ayuu u goglanaa, Markaan isha Mariyay qolka ayaa waxa ay indhaheygu qabteensedex kooxood oo labo labo iskula fadhiya, markaan arkay habsamida loo fadhiyo ayaan isku naxay, Waxaana I galay xishood halkii aan taagnaa ayaan ka dhaqaqi waayay, waxaana damcey in aan gadaal u noqdo, madaama aan Kedis ku soo galay. Intaan is adkeeyay ayaan cod daciif ah ku iri “Waa leydin Salaamey”, waxaana salka saartay kusi fadhi ah oo albaabka qolka dhiniciisa yiil.
Markaan Cabaar fadhiyay oo ay indhaheygu la qabsadeen Mugdiga qolka ayan waxaan isha la raacay dadkii meesha fadhiyay bal in an wax ka garto iyo in kale, hase yeeshee ayagaaba isku mashquulsanaa o aad moodo in aysan wax war ah ii heynin, Waxana ka soo bilaabey labada geeska xage fadhiya, balse ma garan. Hadana waxaan eegay labada ku xigta maadaama ay indhaheenu isku dhaceen, sidoo kale ayagana ma garan…….

QEYBAHA KU DHAAFEY EE SHEEKADA RIIX HALKAAN

SHEEKOOYIN KALE HADDII RABTO IN AAD AKHRISO RIIX HALKAAN

Qeybaha cusub La soco Jimcaha danbe
Abshir Cali Warsame (Shire)
Xafiis wareedka Dulqaadka
Muqdisho, Soomaaliya
E-mail: dulqaadkanews@gmail.com