RUNTU WAA XAL DHAB AH,(Sheekada Jimcaha)Qeybtii 31aad.

0
292

Qeybtii 31aad

“Ma nin yiri Sumcadaad iga dishay waxaana iga dhigtay nin dhintay oo kale ayaad samaan iyo dhaqan ka sugee miyaa?” ayay tiri Haboon iyadoo eegeysa Asli.

Cabaar markaan doodnay ayaan aamusnay anaga oo Marwo Suleeqa ka sugeyno inay noo sii wado sheekada balsi aan u ogaano halka ay ku dhamaan doonto, Marwo Suleeqa inay fadhiga qaabsameysatay ayay halkii ka sii waday sheekadii iyadoo ilka cadeeyneysa.

“Maxa tahay nolasha ii haran oo aan sugayo? ! ! ” intaan niyada ka iri ayaan ka kacay fadhigii waxaana ku soo baraagugay anigoo leyla hadlayo oo ley leeyahay Suleeqa, Suleeqa, waxaana eegay qofk ila hadlaya mise waa ninkeyga oo yaaban, waxaan hadan eegay eegay hareeraheyga, mise waxaan taaganahay Jid cadaha Albaabka ee gurigeena.

Waan naxay, waxaana indhaheyga ku soo istaagay il, waxaana horey ugu booday oo aan isku duubay ninkeyga oo i hor taagnaa, oohina wey i soo dhaaftay”.

” Alla Muusow… Iska key cafi..” ayaan iri anigoo ku duuban.

” Suleeqa, bal na keen, horta aan tagnee guriga oo anaga soo wad jidkaan” ayuu yiri isagoo garabka iga haaya, waxaana dib ugu noqonay guriga, anigoo aan wadan kabo iyo garbsaarba, waxaana dib u fadhiisanay bartii aan ka kacnay oo uu ku qayilayay, halkii ayuuna ka sii watay qayilaadiisii, isagoon juuq ii dhihin, anigana meesheydii ayaan iska fadhiyay, waxaana igu soo noqnoqday hadaladii uu ilaa… balse waxaana ka shaleeyay hadalkii aan ku iri kaas oo sababay in hadalkaa ley yiraahdo oo jawaab laga iiga dhigo”.

Cabaar markaan kala aamusneyn, ayuu si fiican ii eegay, hoosna waa iiga jeestay, ” Suleeqa…” ayuu yiri, ” Haye Muuse..” ana ayaan iri anigoo hoosta ka eegaya.

” Maxaa kugu dhacay oo aad u carartay.. ?” ayuu i weydiiyay isagoo i eegaya.

Intaan eegay ayaan jeestay..” Waxaana la joogi waayay sida aan kuu galay oo aan qalbiga kaaga dilay” ayaan iri “Ee Muusow, iska key cafi..” ayaan hadana iri.

” Sow taan horey kuu cafiyay, ee maxaa kugu dhacay…?” ayuu yiri.

” Waxba igu ma dhicin..” ayaan iri, “Oo maxaad u carartay..?” ayuu hadana i weydiiyay.

” Waxaan u cararay… “

“Waxaan u cararay… ” Intaan iri ayaan hoos uga jeestay “Waxaan u adkeysan waayay, Markii aad ii sheegtay sida aan sumcada kaaga dilay oo aan…” intaan iri ayaan ka aamusey.

“Haa.. Laakiin sow ima weydiinin in aan kaaga sheekeeyo sida aan kaaga (Ku ogolaadey) war helay in aad baddaasi ku dhex jirto…?” ayuu hadana yiri, isaga oo i eegaaya, “Haa, laakiinse isma aan lahayn wax u dhin sumcadiisa iyo sharaftiisaba ayaan iri anigoo hoos u foorara.

Intuu i eegay ayuu hoos iiga jeestay, isaga oo weli dhididaaya, wuxuu iska sii watay qayilaadiisii, isaga oo aan wax hadal ah i dhihin, Markuu Cabaar, fadhiyay oo uusan ila hadleynin ayaan istaagay, Waxaana aadey musqushii, Markaan wejiga iska soo dhaqay ayaan iska soo ag fadhiistay, si uu iigu dhameystiro.

Markaan Cabaar ag fadhiyay, isagiina marna i eegaayo marna iga jaeesanaayo oo uusan ila hadleynin ayaan si degen u iri “MUuse..” .

gabar-2

Intuu kor ii eegay ayuu yiri “hayeh’ “II dhameystir sheekada” ayaan iri aniga oo eegaay.

Intuu ilko cadeeyay ayuu hoos iiga jeestay, isaga oo dhididaaya, Cabaar markii uu aamusnaa, ayuu xabad sigaar ah shitay, intuu si fiican ii eegay indhahana ila raacay ayuu hoos iiga jeestay, Wuxuuna halkii ka sii wadey sheekadii:-

“Anigoo isla gariiraaya, kana careysan hadalada aflagaadada ah ayaan iri “Aadan.. aflagaadada waa reeban tahay”.

Intuu ilko cadeeyay ayuu yiri “Waa yahay agaasime, raali iga ahoow, Haddii aan aflagaado geystay…KOley adigaa i yiri gabdhaa la yiraahdo suleeqa inta aad ka taqaano wax iiga sheeg..”INtuu i yiri ayuu iga dhaqaaqey, wuxuuna ku fariistay Kursi ka sii jeeday dhanka kale oo ahaa kii uu xafiiska ku lahaa, kana shaqeynayay, Waxaana Markiiba gartay in uu dareemay carada iga heysa aflagaadadiisa, waxaan kaloo gartay in uu joojiyay sheekadii, igana guuray.

Aragtidaada hoos ku qor 

Waa Socotaa
La soco Jimcaha danbe
Abshir Cali Warsame (Shire)
Xafiis wareedka Dulqaadka
Muqdisho, Soomaaliya
E-mail: dulqaadkanews@gmail.com