33 Maahmaahyo Soomaaliyeed oo haweenka ku saabsan

0
1867

Qormadani Waxa ay ku bilaabatay sidatan :

Af-Soomaaligu, waxa uu leeyahay Maah maahyo xambaarsan murti iyo madadaalo, qaar ka mid ah waa run ka hadal, qaar waa tilmaam, digniin, filasho , halka qaar kale ay yihiin kuwa ku xadgudbaya diinta islaamka iyo dhaqanka sharfan ee Soomaalida.

Marka la eego Maah maahyada ku qotama dumarka, kuwa diinta islaamka , dhaqanka iyo dhowrsanaanta dumarka ku xadgudbaya waxaa ka mid ah :

– Naagi waa balaayo loo baahan yahay. (Tilmaan xun)
– Naag Kun bay koolisaa, kowna way ka guursataa. ( Khayaano iyo mee ka dhac dhowrsanaanta, xishoodka iyo xushmadda lagu yaqaan dumarka)
– Naago ayaa talo mooday? ( waa bahdil iyo liidid talada ay dhiibtaan hablaha oo leh maskax iyo garaad ay wax ku fahmi karaan)

Maah maahyada kale ee dumarka ka xog waramaya waa kuwani hoos ku xusan :

– Naag la’aan waa nolol la’aan.
– Nin rag ahi wax uu ku talo xumaado, guurka ayaa ugu wanaagsan.
– Dumar nin ammaana ayaa leh !
– Sharta dumarka waa dabin Sheydaan.
– Naag waa u samir ama ka samir.
– Naag nin aan u samrin, kama ilmo dhalo !
– Naag fiican miney falaaxowdo waa la furaa.
– Cishe iyo naag xunba waa la dedejiyaa !
– Naag nin qaawiyay ayaa yaqaan !
– Naag nin qaawiyay kama quusato !
– Naag nin bikra jebiyay ma ilowdo !
– Gudo is yaqaan waa isku guuxaan !
– Umul ilowshe dhow !
– Naag ninka ay jeceshahay ayey nacayahow ku tiraahdaa.
– Naagtaada oo kaa warantay waa maradaada oo kaa warantay !
– Naagi yaraan ma gasho !
– Naagi yaraan guur kuma leh, ragna yaraan ficil kuma leh.
– Naagta gaarida ah gurigeeda ayaa laga gartaa.
– Naagi nin aanay rabin laguma karo, nin ay rabtana lagama karo !
– Naagi waa sida miro geed saaran !
– Naago hoosiis bay hadh moodaan.
– Naagta ninkeeda diiddaa, nin kale ayey hoosta ka wadataa !
– Naago rag waa u wada ciidan, geelna waa u wada caano.
– Naago badhaadhahooda ayey ka sheekeeyaan.
– Naagi waa caruur cag weyn !
– Dumar iyo caruur laysma ciyaar baro !
– Haween “ku diiday” loogama haro.
– Dumar iyo caruuriba “ma hayo” ma yaqaannaan.
– Naag feer qalloocan baa laga abuuray.
– Naago ninkii xariir u gogla, xanan bay u goglaan !

1-105-480x320

Hal qabsi khaldan oo liida dumarka oo ragga Soomaaliyeed ku hadaaqaan si ku talagal ah ama aan ku talagal aheyn, waxaana ka mid ah:

Nin ayaa madal ka khudbeynaya, waxa uu ku hadal qabsanayaa hadal ama sheeko dhacday ama mala’awaal ah oo dumar la xiriirta, isaga oo ka raali gelinaya ragga gogosha fadhiya sheekada ama oraahda dumar ee uu xigasho ama xog ahaan u adeegsaday ayaa waxa uu leeyahay “ rag loogama sheekeeyee wax ay dumar ku maah maahdee !” waa bahdil nooca ugu xun ee bani’aadam isku faquuqo dhexdiisa .

Dulqaadka.com