HADAL JACEYL: GEERAAR UU QOF JACEYL LA IILDARAN UU…

0
2473

Geeraaro Jaceyl oo loogu talo galay in ay isweydaarsadaan Lamaanaha Jaceylka ayaan idin soo xulney, iyadoo Geeraarada oo qeybo kala duwan leh aan u kala qaadeyno Geeraarada ay isu diraan:

  • Lamaanayaasha isku cusub,
  • Qof Jaceyl hayo oo fariin u diraya qof aan ka warqabin
  • Lamaanayaasha Kala fog
  • Lamaanayaasha lagu kala dhex jiro
  • Iyo kuwa kale.

Waxaan ku bilaabeynaa:
Geeraar uu Wiil u dirayo Gacalisadiisa.
-Dadka taan ka doortaay
-Dareenkii wadnahaygaay
-Diirkii jirkeygaay
-Dooqeygu tuu raacaay
-Waxaan kuu soo dirayaa
-Salaan daacad ahoo debecsan
-Diiranoo duunyoo idil iyo
-Doolarka ka qaalisan
-Oo dubka sareetiyo
-Halbowlaha dacaladiisiyo
-Ku dahaaran qalbiga
-Oo diiwaanka wadnihiyo
-Ku daboolan caloosha
-Ee adigana ha daayicinoo
-Haygu sii deynin duurkee
-I daryeel macaaneey

-Daa’inkii ina uumayna
-Waxaan kaaga dalbayaa
-Deeq inuu ku siiyiyo
-Caafimaad derejo leh

-Intaa dabadeed aan
-Aan iska dabro salaantoo
-Aan usoo daadago
-Dulucdiyo ujeedada

-Inanyahay dartaa baan
-Duhur iyo habeen
-Hurdadii u diiday
-Anfacadiinna u daayay
-Jaceyl bey duufsadoo
-Duufaannada waxqaadiyo
-Igu diray dabeylaha
-Ee intaanan dulloobinoon
-Duurka gelin
-Idugaaliyoo idaawee
-Ila duubo gacalooy

La soco geeraarada kale ee aan u soo xulno akhristayaasheena.
Aragtidaada ka dhiibo, sii Share garee, si ay uga faa’iideystaan kuwa Jaceylka la Iildaran.

Dulqaadka.com

geeraar