RUNTU WAA XAL DHAB AH,(Sheekada Jimcaha)Qeybtii 32aad.

0
415

Qeybtii 32aad.

Markaan Cabaar ag fadhiyay, isagiina marna i eegaayo marna iga jaeesanaayo oo uusan ila hadleynin ayaan si degen u iri “MUuse..” .
Intuu kor ii eegay ayuu yiri “hayeh’ “II dhameystir sheekada” ayaan iri aniga oo eegaay.
Intuu ilko cadeeyay ayuu hoos iiga jeestay, isaga oo dhididaaya, Cabaar markii uu aamusnaa, ayuu xabad sigaar ah shitay, intuu si fiican ii eegay indhahana ila raacay ayuu hoos iiga jeestay, Wuxuuna halkii ka sii wadey sheekadii:-
“Anigoo isla gariiraaya, kana careysan hadalada aflagaadada ah ayaan iri “Aadan.. aflagaadada waa reeban tahay”.
Intuu ilko cadeeyay ayuu yiri “Waa yahay agaasime, raali iga ahoow, Haddii aan aflagaado geystay…KOley adigaa i yiri gabdhaa la yiraahdo suleeqa inta aad ka taqaano wax iiga sheeg..”INtuu i yiri ayuu iga dhaqaaqey, wuxuuna ku fariistay Kursi ka sii jeeday dhanka kale oo ahaa kii uu xafiiska ku lahaa, kana shaqeynayay, Waxaana Markiiba gartay in uu dareemay carada iga heysa aflagaadadiisa, waxaan kaloo gartay in uu joojiyay sheekadii, igana guuray.
Markaan Cabaar fadhiyay meesheydii oo uusan midkeena midka kale la hadlin, anigana ay dareemaheyga degeneyn ayaan si degen u iri “Aadan” ” Haye, agaasime ” ayuu yiri, isaga oo aan kor u soo qaadin madaxiisa.

gabar-1
“Maxaa kugu dhacay oo aad la guurtay?” ayaan weydiiyay, “Waxba iguma dhicin ee waxaan isla lahaa shaqadaan culus ee idin taalo qabo, maadaama beri a laga rabo”ayuu yiri Aadan isaga oo u foorara, iskuna mashquulinayo waraaqo hoosyaaley, “Soo guur oo booskeyga ku soo noqo” ayaan iri.
“Agaasime waraaqahaan noo yaalaneh?” ayuu i weydiiyay isaga oo i eegayay, “HOray u soo qaado wixii wax laga qabanaayo ayaan iri anigo oo raba in uu ii dhameystiro sheekada, wuxuuna horay u soo qaatay waraaqihii hor yaaley iyo qaadkiiba, wuxuuna ku fariistay kursigii uu ka kacay markii hore ee iga soo horjeeday wuxuuna bilaabey in uu ka shaqeeyo waraaqihii isaga oo hoosta iga eegaayay.
Markuu dhowr waraaqadood uu wax ka qabtay ayaan si degen u iri “Aadan” Intuu kor ii eegay ayuu i yiri “Haye agaasime” anigoo xabad sigaar ah sii shidanaaya ayaan iri “Bal ii dhameystir sheekadii intuu i eegay ayuu iga aamusay, wuxuuna iska sii watay shaqadiisa, markuu cabaar iga aamusnaa oo aan arkey in uu iga aamusan yahay ayaan hadana iri “Aadan Maxaad iiga aamustay Sow war kaama sugeynin”
Haa agaasime, balse waxaan dareemay inay shacuurtaada kacsantahay” ayuu yiri.
Intaan eegay ayaan iri “Waa runtaa balse waan degay hada” intuu ilkacadeeyay ayuu hoos iiga jeystay isagoo wax hadal ah i dhihin, markuu cabaar aamusnaa ayaan gartay inuu garn la’yahay halkii uu ka bilaabi lahaa, waxaana weydiiyay su’aal si uu u sii wado “Waqtiyada ay imaan jirtay ama ay bixi jirtay ka waran miyey Hablaha kale isla imaan jireen?” ayaan hadana weydiiyay.

Aragtidaada hoos ku qor

Waa Socotaa

La soco Jimcaha danbe
Abshir Cali Warsame (Shire)
Xafiis wareedka Dulqaadka
Muqdisho, Soomaaliya
E-mail: dulqaadkanews@gmail.com