DHIBAATA CULUS OO ANIGA IGA SOO GAARTAY DAGAALKA GAALKACYO.

0
291

Waxaa jira goob ku taal wadanka Kongo oo maalin kasta uu dagaal ka dhaco, dagaalkaas qarniyaal ayuu socday,lagumana kala guuleeysto. waan taa sababta loogu bixiyay “ goobtii dagaal ee aan weligeed lagu kala guuleeysan”.
Gorgor weeyn oo ku nool keeymaha kongo ayaa waxa uu dafaa daanyeerada yar yar( Goobta 1aad) ,hawada sare ayuuna ula duulaa, goobtii 2aad ayaa ka bilaabato daruuraha sare. daanyeerka yari waxa uu bilaabaa rafasho si uu isku badbaadiyo, mar dambe ayaa daanyeerku gacantiisa la helaa qoorta ( cunaha gorgorka) ceeja adag ayuu ku qabtaa,waana ku dhuujiyaa ilaa uu gorgorku ka dhinta, daanyeerkuna waa ka badbaadaa Gorgorka asaga oo daruuraha heehaabayo. Wax yar kadib labadoodii oo meeyd ah ayaa dhulka ku soo wada dhaca….Hilibkoodana waxaa quuta dugaag kale oo keeynta ku nool.
Gaalkacyo weligeed waxa ay aheed goob dagaal oo aan lagu kala guuleeysan. Muddu dagaalku marka uu socdo aakhirka waa la heshiinayaa,waxaa kalaiya ee laga dhaxla waa Agoon badan, QABRIYA BADAN, Asaay, Guryo iyo Gaadiid burbura, xoolo iyo hanti kale oo iyana baaba’. Hadiiba dhibaatadaa kadib iyada oo aan cidi guuleeysan labadii dhinacba ay ku dhimanayaan ,cid saddaxaadna ay ka faa’iidee, ha noqdo shisheeye ama mid ka ganacsada qalabka dagaal,ma haboonoo in laga caqli roonaado Gorgorkii iyo daanyeerkii aanuu dagaalkoodu dhamaan midna uuna ku guuleeysaneeyn.

dagaal
Dhibaatada iga soo gaartay dagaalka gaalkacyo. Maanta waxaan telefon kula hadlay Gabadheeyda AYAAN oo u qaxday meel baadiyo ah oo 60 KM u jirta gaalkacyo.
Saddax Sanno ka hor ayaan ka codsaday jaamacad Galkacyo ku taal in ay ii raadiyaan ,Gabar Agoon ah, Rajana ah oo aan awoodin in ay iska bixiso Jaamacada. Sanad kadib ayaa la ii helay Gabadhii oo la igu yiri weliba waa Curyaan,waxaa ku iri: waaba qoftii aan rabay. Ayaan waxa ay bilaawday jaamacadii ,labadii sanno oo la soo dhaafay waxa ay ka gashay Kuliyada Caafimaadka kaalin sare,waxaa la ii soo dirayay Natiijada imtixaannadeeda ,Bishii September 2016 waxa aan sii bixiyay hal sano kharajkiisa oo aan ku diraty Bangiga Salaama. Ayaan weligeey ma arag, mana aqaan haddi ay jiraan dad ay qaraaba yihiin, weligeeyna ma weeydiin haybteeda.
Maanta waxa aan ka naxay in Ayaan weliba iyada oo xanuunsan haddana qax loogu daray,wax barashadiina ka kala go’day.Aniga iyo Ayaan Cabdi, cawaa waxan ku seexaneeynaa murug iyo cabsi.
Noo soo duceeya in aniga iyo Ayaan Cabdi murugada ALLAH naga saaro,Colaada Gaalkacyana ALLAAH ku bedelo Nabad waarta.
Waxaa Qorey: Yahya Amir.

SHARE