5 Sheeko Kaftan ah: Qalinka Yahye Amir.

0
881

Sheekada 1aad:

Dhaqtar ayaa music iyo Heesta arooska ee (labadii hagaag u heshiisyee) u shiday koox waalan oo isbitaalka dhimirka ku jirtay, markaasay bilaabeen in ay ku wada ciyaaraan Musigii intaan ka aheeyn Hal nin oo waalnaa . dhaqtarkii yaa ku yiri: Maxaa kugu dhacay oo aad adiguna u ciyaari la’dahay? Markaas ayuu ku jawaabay waaloowgii: anigu caruuska loo ciyaaraayay ayaan ahay.
( haddii aad aragto baarlamaan soomaaliyeed oo Mooshin la wada qeeylinayo iyo gudoomiyaha oo aanusinayo ha u maleeyn in uu ka feker gadisanyahay)

5-sheekoSheekada 2aad:

Arday ayaa ka soo daahay fasalkii uu dhiganayay markaasu macalinkiisi ku yiri: maxaad ku soo daahday? Ardaygii ayaa ku jawaabay: Macalin hooyaday ayaa walaashay tumeeysay. Macallinkii ayaa ku yiri: Haddii ay garaaceeysay maxaa isku xiray daahidaada iyo garaacida walaashaa. Ardaygii ayaa ku jawaabay: kabtayda ayeey ku garaaceeysay.( haddad aragto ganacsade Bakhaarkiisa ka soo daahay,hala yaabin waxaa dhici karta in uu sugayo in ascaartu kororto)
Sheekada 3aad:

Nin ayaa saaxibkiis ku yiri: Maxaad la murugeeysantahay maalmahan ? Wuxuu ku jawaabay: waxaan aad uga fikirayay gabar aan aad ujeclaa oo la iga guursaday. Wuxuu yiri maxaad ugu sheegi wey day in aabbahaa uu yahay ninka ugu hantida badan magaaladan. Wuxuu ku jawaabay: waan u sheegay, laakin inta iga tagtay ayey guursatay ninkii magaaladan ugu taajirsanaa!! ……… Kee? Aabaheey….. Saxiibkiis ayaa ku yiri: SHUT UP….(Fiiri: Sawirka 1 aad iyo 2aad)
Sheekada 4aad:

Axmed oo aad u murugeeysan ayaa Makhaayad fadhiyay wuxuu eegayay koob Kafeey (coffe) ah oo uu dalbaday hortiisana yiillay. Waxaa u yimid Cali oo saaxiibkii ahaa. Axmad ayaa istaagay oo musqusha aaday, kadibna makhaaydii dhinaceeda ayuu ku soo tukaday 2 ragco oo salaad ah. Cali ayaa iska sii cabay Kafeegii intii uu ka qaboobi lahaa Axmed. Axmad ayaa markii uu arkay in kafeeygii laga cabay , ayuu bilaabay in uu ooyo. Cali ayaa ku yiri: maxaad la ooynee, anigaa kuu dalbaya Kafee kale.
Axmed ayaa ku yiri: waxaan la ooynayaa khsaaraha aad ii geeysatay, dhibaato aan hadda ka bixi lahaa ayaad dib iigu celisay. Cali ayaa ku yiri: Maxaan dib kuugu celiyay? Axmed: Maanta waxaa la iga eryay shaqadii , markii aan iska soo baxayna waxa aan la kulmay Baabuurkeeygii oo la xaday, Taxi ayaan soo qaatay markuu gurigii i geeyay ayaan waayay boorsadii ay lacagtu iigu jirtay, taksiilihiina waa iga tagay isagoo xanaaqsan , kadibna markii aan guriga tagay waxaan tagay iyada oo alaabtii dibada la ii soo dhigay, bacdaamaa aanan kiradii guriga bixin , markaan is iri alaabtaada iska raro, dukaanlihii xaafada ayaa iga hor istaagay oo igu yiri: Alaabta rari meeysid illaa aad iska bixiso deyntii aheed biilka qoyskaaga.
Markaas kadib ayaan halkan u imid si aan isku dilo, kafee ayaan dalbaday oo aan sun ku dartay? adna sunteydii aan isku dili lahaa ayaad iga cabtey, murugadii aan ka bax is lahaa ayaad dib iigu celisay,waxaadna tahay nin xun.( fiiri: sawirka 3aad)….( Siaadiyoow, maskiin murugeeysan ,Mushaarkiisa ha ku dhiman)
Sheekada 5aad:

Nin bakhiil ahaa, ayaa saaxiibkiis ku yiri: aad baan u nasiib xumahay. saaxiibkiisa ayaa ku yiri sabab? Bakhiilkii ayaa ku jawaabay: farmashiga deriskeyga ah ayaa qiima dhimis ku sameeyay daawadii, laakiin nasiib xumideeyda kama faa’iideeysan karo qiima dhimistaa ,sababta oo ah, aniga qooyskeeyga qofna kama xanuunsana!!.( siyaasiga soomaaliga ah iyo Bakhiilku, maxeey ka mideeysanyihiin ?).
Qore: Yahya Amir

F:G: Haddii Sheekooyin iyo Qoraalo qiimo leh aad heyso, noogu soo dir: E-mail: Dulqaadkanews@gmail.com

SHARE