JAAMAC iyo JIMCAALE (SHEEKO SIYAASADEED)

0
264

JAAMAC:-Jimcaaloow Reer Beled-weyne maxaa ka maqan oo laga halleeyay may iska taageeraan Maamulkooda Hir-shabelle?.
JIMCAALE:-waxaa kamaqan wax aan la heleeyn, waayo waxaa laysugu daray Madaxweyne, Gudoomiye Baarlaban, iyo labadiisa ku xiggeen haddana waxaa lagu boqray in Booqashadii iyo salaantii ugu horreysay loogu tago, waxaan ka cabsanayaa in ay ku dhacdo wax badso waxbeeleey leedahay.

jaamacJAAMAC:-waatahaye Afgooye maxaa lagayiri in maalin cad lala wareego??!
JIMCAALE:-wareegtada ayaa ku timid, lkn yaa maamula Dowladda dhexe iyo Tan Koofur Galbeed, Qola walba waxay sheegtay in ay iyadu ka fujisay oo ay iyadu u gurmatay in kasta oo Dhaawacii iyo Maydadkiiba Xamar lakeenay.
JAAMAC:- waa dheel dhoobey ee Maxaa TALYAANI ka galay sugidda Amaanka muqdosho, maxaase Safiir Dowladeed u geeyay in uu ka qaybgalo shir Amaan magaalo ay Booliiskeedu uga arrinsanayaan ma Sarkaal katirsan iyagaa!!!.
JIMCAALE:-Waa shaqo lagu yaqaano Talyaani cadde waa Banjarin lala damacsanyahay Ammaanka iyo faham la’aanta Saraakiisha Boliiska soomaalida.
JAAMAC:-lug gooyo waalagu ogaa Talyani ee Xubnaha Aqalka sare uga soo aaday Reer Somaliland xagee lagu qaybinayaa.
JIMCAALE:-Muqdisho oo aan lahayn Rabitaan iyo doorasho ayaa diyaar u ah maxaa ka micno ah Aqalka sare waa diyaare, Reer jowhar hanaga dedejiyaano xubnohooda.
JAAMAC:-Aqalka hoose isaga maxaa laga yiri qaylo halkaas ayay ka aloosmi doontaaye.
JIMCAALE:-taasi waa fududahaye Beeshaadu Haku keento.
JAAMAC:-Beel i keento ma doonayee Soomaali i keento ayaan sugayaa!!!!!.

La soco Qeybo kale oo Cusub
Waxaa Qorey:
C/laahi M.Cumar (Mucjis)
Dulqaadka Media (Dulqaadka.com)
Muqdisho, Soomaaliya
E-mail: Dulqaadkanews@gmail.com

SHARE