Jilaa Soomaaliyeed oo Caan ahaa oo geeriyoodey.

0
384

Waxaa magaalada Kambala ee wadanka Ugandha ku geeriyooday ALLAHA u naxariistee Marxuum C/salaan Yuusuf Jiimi oo ka mid ahaa jilayaasha ku caan baxay Riwaayadaha Banaadiriga.
Marxuumka ayaa u geeriyooday xanuuno mudooyinkan soo wajahay sida ay sheegeen xubno ka tirsan eheladiisa oo xaqiijiyey geeridiisa.
Wararka ayaa sheegaya in marxuum C/salaan Jiimi uu Kambala u joogay safar uu uga ambabixi lahaa wadanka Maraykanka kaasoo ay ka shaqeysay xaaskiisa oo ah fanaanadii caanka ah Jiida Shiikh Bashiir (Kosta) oo muddo dheer wadankaas ku nooleyd.

jiim
Marxuum C/salaam Jimi ayaa wax ka jilay riwaayado Banaadiri ah oo si weyn looga daba dhacay, kuwaasoo xiligii berisamaadkii lagu soo bandhigay tiyaatarka Qaranka, waxaana ka mid ahaa riwaayadii: Sharaxii la tumaayey sheekaa ka dambeysay, Ibna Aadan iswaayey arrinaa kala geysay, Damac adduun, Sed ma leh Sariiglaay, iyo riwaawado kale oo badan, isagoo markii dambe ku biiray kooxdii fanka ee Banaadir Star.
Asxaabtii ay fanka iskula jireen C/salaam Jimi ayaa sheegay in marxuumku uu fanka isaga baxay wixii ka dambeeyey markii ay dhacday dowladii milateriga aheyd, dalkana ay curteen dagaalada sokeeye, isagoo la noolaa qoyskiisa oo degen degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.

Dulqaadka.com

SHARE