XIGMADDA MAANTA: Qalinka Amb Diinaari

0
315

Madaxweynihii Mareykanka Abraham Lincoln oo ahaa Nin aad u xigmad badnaa oo laga dhaxlay xigmado iyo Tusaalooyin cajiib ahaa ayaa hadalkan xigmadda ah ka tagay ” Nearly all men can stand adversity,but if you want to test a man’s character,give him power” Dadka intiisa badan waxaad ogaata markaad xaalad dhib ah aad la kulanto balse haddii aad dooneysid inaad ogaato Qofka dabeecadiisa runta u dhib awood,taasoo macneheedu yahay qofka rag iyo dumarba ma garan kartid dabeecadiisa runta ah,waxaadse ogaaneysaa marka uu qofku xil ama darajo aanu horay u haysan loo dhiibo ama loo doorto.

abraham-lincolnAsxaabey Qoraalkan uu ka tagay MadaxweyneAbraham Lincoln wuxuu i xasuusiyay dhacdooyin fara badan oo aan anigu qof ahaan ula kulmay,Alla muxuu run sheegay waayo waxaan arkay kuwo aan markaan arko isoo ordi jiray waliba labada Daan iga dhunkan jiray oo maanta markey madax noqdeen dhaqankoodii isbedelay waliba aan arkay in dhaqankoodii hore been ahaa,balse koodii runta ahaa ee Xaasidnimada iyo Xaqiirnimada uu ahaa dabcigiisa runta ah.

Walaalayaal Qofka isku kalsoon waligii dabcigiisu ma badalo waxaana tusaale noogu filan Dabcigii Nabi Maxamed ee aan waligii dabcigiisa badalin ee waliba asxaabtiisii u nuglaa.
Haseyeeshee Dalkeena Soomaaliya waxaa maanta ku badan kuwa aan isku kalsooneyn ee xilka uu waqtiga yar heyn doono isku badala,qaarkoodna maalinta la magacaabo ayaa gooyaan asxaabtii,Qaraabadii iyo dadkii ay horay isu yaqaaneen, iyagoo badala Telefan nambarkooda ama ku dhageysta Dadkii ay asxaabta ahaayeen ee shalay usoo ordi jireen ee ay kaftami jireen,shaaha wada cabijireen amaba xitaa iyaga kaalmeyn jiray.

HADABA waxaan Ilaahey ka baryayaa in Allah isku kalsoonaan iyo dabci aanu xilku badalin uu nasiiyo, kuwa xilka badalanayna waxaan leeyahay xilku waa waqti gaaban ee lama huraan waa COWS JIILAAL EE DADKAA KU HURSAN EE TAAS OGOW.

Waxaa Qorey:
Amb Abdirahman Nur Diinaari