Gaas oo Dagaalka Gaalkacyo ku eedeeyey Dowlada Federaalka in ay hurineyso.

0
202

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Boosaaso ayaa ka hadlay Dagaalka Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, kaas oo u dhaxeeya Maamullada Puntland iyo Galmudug.

C/wali Maxamed Cali (Gaas) Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa sheegay Dagaalka Gaalkacyo in laga leeyahay dano siyaasadeed, oo lagu doonayo in lagu baajiyo Doorashada Soomaaliya ka dhaceysa.

gaas-1

Wuxuu sheegay Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas Dagaalka Gaalkacyo in aysan wadin Puntland iyo Galmudug, balse ay hurineyso Dowladda Federaalka, taas oo ujeedo gaar ah ka leh.

Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug maanta waxaa ka dhacay Dagaal u dhaxeeyay Maamullada Puntland iyo Galmudug, waxaana Dagaalkaas uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

CODKA HOOS KA DHEGEYSO.

Dulqaadka.com

SHARE