HUMAN ZOO iyo SOMALIA

0
548

ZOO: waa meel naflaha lagu xareeyo ( xadiiqatul xayawaan), laakin yurub waxaa jiray mid lagu xareeyo bani aadamka si loogu soo daawasha tago,dadkaa oo laga keenayay wadamada laatiin Ameerika, Afrika ,Asiya waxaa laga keeni jiray Carab, Bershiyaan, Hindi ,Indha yar iyo ummada kale.Saddax sababood ayaa dadkan Zooga loo keeni jiray.

  • 1) in lacag looga helo dadka daawanaya,runtiina lacag badan ayaa laga helay.
  • 2) in dadka reer yurub lagu qanciyo in la isticmaarsado iyadoo la leeyahay dhaqaala ku biya sidii dadkan cawaanta ah aan u ilbixino .
  • 3) kaniisadaha oo lahaa dadkan aan diinta laheeyn ayaan bareeynaa diinteena ee sadaqa bixiya. Sida carwooyinka maanta ayaa qolaba meel la dajin jiray,si dhaqankooda loo muujiyo, laakin badanaa dhaqankooda been ayaa laga sheegi jiray ,qaarna waa la qaaqaawin jiray si daawadayaasha loo soo jiito .

zoo12Human Zoos, loona yaqaan “ethnological expositions” waxa ay jirtay qarnigii 19aad, 20aad, and 21aad illaa 1958. Badanaa waxaa lagu qaban jiray magaalooyinka : Paris, Hamburg, Antwerp, Barcelona, London, Milan, Warsaw, New York. London, Moscow iyo kuwa kale. sanadkii 1889 waxaa u daawasha tagaywas 28 million oo ruux. gidaar ama Darbi ka sameeysan silig ama alwaax ayaa ku wareegsanaa Zoo-ga,banaanka ayaana laga daawan jiray.
Dadka somalida ah ee ZOO-ga la geeyay badankoodu waxa ay dhaqan ahaan u egyihiin Jabuutiyaan,faransiiska ayaana keenay.

zoo1Qoraalada qaar ayaa leh haweenkaa somalidu waxa ay xirnaayeen qalab qoorta lagu xirto oo ka qaalisan kan haweenka faransiiska,somalidu ma badalin hab nololeedkooda iyo dhaqankooda,waxaana la socday wadaado caruurta qur’aanka u barayay. Qoraalda qaar ayaa leh: dadkaa Qaar waxa laga keenay waqooyiga somaliya (British Somaliland) ,waxa ay dhisanayeen Aqal Somali,waa reer guuraa xoola dhaqata ah heeystayna diinta islaamka.

Waxaa la iibi jiray postcards kooda , Somalidii lagu soo bandhigay “Bradford Exhibition” sanadkii 1904 waxa ay ka tageen raad muujinaya in ay ku wanaagsanayeen Bani aadannimada. Waxa ay lahaayeen qalab lagu sameeyo dharka iyo waxyaaba kale.qaar ayaaba shaqa laga siiyay zooga ,waxaana u soo daawasha tagay dad gaaraya 2.4 million qof, mar dambe dab ayaa qabsaday qalab uu ka gatay faransiisku. Haweeneey ka mid aheed oo lagu magacaabi jiray Xaliima Abdi Badel ayaa ka dhimatay somalida ,qabrigeedina waxa lagu dul hardhay qoraal qur’aan ah.xaaskii suldaan Cali iyana waxa ay dhashay gabar bishii September 1904. Laakin Markii ay baxayeen sida ay berigaa qortay “The Bradford Daily Telegraph” Ragga barkii waxa ay labisnaayeen dharka ingriiska ,qaarna waxa ayba ku hadlayeen afka ingriiska ,laakin diintoodii waa la badali waayay sida umamadihii kale.

zoo2
Markii lacagtii lagu yareeyay weey caroodeen waxa ayna isku wareejiyeen xaruntii magaalada ,tareen la saari lahaana waa ka hareen ,waaxaa sii sagootiyay duqii magaalada, waxa uuna yiri: somaalidu waa dad isla qab weeyn, waana kooxa madax banana.mana ogaa karno waxa ay naga koror sadeen iyo sida ay noo arkaan.
zooUmmadihii kale, qaar ayeey sannada kadib u suura gashay in wadamadoodii dib ugu soo noqdaan,qaarna dib looma arag. Qarna waxaa dilay cudurada: furuqa,TB,, measles iyo cudura kale oo aan dalkoodii laga aqoon.qaar kale ayaa si xun loola dhaqmay . tusaale: gabar 20 jir aheed oo laga keenay south Africa loona bixiyay Sarah “Saartjie” waxa ay laheed daba aad u buuran , markii hore London ayaa la geeyay kadibna Paris waxaa lagu khasbay in jirkeeda la iibiyo iyo ayada oo qaawan in la daawado, Afar sanno oo kaliya ayeey yurub ku nooleed, waxa ay u dhimatay sabool nimo,markii ay dhimatay lafaheedii iyo xubnaheedii dhidignimada waxaa la dhigay Museum-ka ( taariikh dhowrka) bani aadamka.sanadkii 2002 ayaa Nelson Mandela codsaday in jirkeedii wixii ka haray lagu soo celiyo dalkeedii koofurta Afrika laguna aaso, magaceeda asalka ahaana loogu yeero .
Gabdhaha Afrika laga keeno waa laga been sheegi jiray, si daawada yaasha loo qaldo, tusaala kale: Gabadha loo bixiyay Joice Heth waxaa laga keenay Afrika sanadkii 1835, waa indha beeshay korkiidiina dareenkii ayuu dhumiyay, waxaa iibsaday PT Barnum.
Dadka daawanayo wuxuu lacag u ga qaadan jiray in ay 160 sanno jirto sanad kadib waa dhimatay da’deeduna kama weeyneeyn 70 jir.

zoo3
Dadka laga keeno Africa waxaa loo xumbaari jiray daanyeer si loo yiraa waa isku asal, waxaa Masar iyo sudaana laga keeni jiray Nuubiyiin . dadka gaagaaban ee Pygmies ka waxaa lagu qasbi jiray in ay ku ciyaaraan barafka iyaga oo qaawan.
Reer yurub waxa ay ku doodi jireen in dadkan laga keenay wadamo,aan ilbax aheeyn oo hilibka dadka laga cunu “cannibals”, taa oo been aheed ,laakin ogow taa badalkeedu in ay yurub ay ka jirtay dad cunnimo. Tusaale: Gudka Gough’s Cave, ee England,waxaa laga helay lafa dad la cunay dhowr kun sanno ka hor sida cilmi baarayaashooda “Archaeologists” ay noo sheegeen, berigaana Afrika iyagu ma aqoon. Sidoo kale 700 sanno ka hore dad cunid baahsan ayaa Jarmalka ka jirtay.,weliba caruurta iyo kuwa uur ku jirka ah ayaa aad loo jeclaa. markii uu xanuunsaday madaxii kaniisada (Pope Innocent VIII) sanadkii 1492,waxaa lagu daaweeynayay dhiiga laga miiray 3 wiil ilaa ay ka dhinteen asagiina waa dhintay .( annaga diinteeno waxa ay naga mamnuucday dhiig oo dhan in la cabo ), Ingriiskana waxaa caan aheed in boqorada loo shiido lafa dad oo lagu daaweeynayo.
Mar dambe waxaa diiday Zoo-ga Victorian England iyo Nazi Germany oo ka baqay in xiriir dhax mari karo Raga madoow iyo dumarka cadcad ee reer yurub ,cara ALLAna ka dhalan karto.ugu dambeeyna waxaa la joojiyay 1958dii, wadamada qaarna xeryihii Human Zoo dhismayaashii ka haray waa baabiyeen si aan loogu eedeeyn beni aadamnima xumidoodii,iyo sidii ay ugu xadgudbeen xuquuqul insaanka ay hadda na barayaan. In kasta oo waqtigaa la joojiyay haddana weli waxaa jira, Dadka asalkoodu Afrikaanka yahay ee Jarawa loo yaqaan, haddana ku nool jaziirada Adnaman ee Hindiya ayaa weli lageeyaa Human Zoo ku taal isla jaziirada, si dalxiisa yaasha lacag looga helo suuq madoow bacdamaa dowladu diiday.
Armaa maanta qaxootigeena ,meelaha qaar la dajiyo loola jeedaa Human Zoo oo lagu karaama tiraa, beena laga sheegaa ,sidii awoowa yaasheen looga been sheegi jiray ayaga oo aan ogeeyn.
zoo4 zoo5 zoo6 zoo7  zoo9 zoo10 zoo11  zoo13

zoo8

Fiiro Gaar ah: waa sida ay u qoran tahay ee aqristoow ha u qaadan in aan dad gaar ah aan ku dulminayo, ama aan ka been sheegay. Aragtidaada xor ayaad u tahay,in aad wax ku darto ,kuli ama qeeyb aad beeniso. Raali ahaada waan idinku dheereeyay,waanse ku dadaalay in aan soo gaabiyo ,macluumaad kale ayaana ka tagay.taariikhda dhinaceeda maddoow ee isticmaarku kaa qariyay arag. Fekerkaaga noogu soo dir: E-mail: Dulqaadkanews@gmail.com
Waxaa Qorey:
Prof: yaxye Sh. Caamir
Muqdisho, Soomaaliya