KAFTAN SIYAASADEED:Jaamac & Jimcaale

0
336

JAAMAC:-Jimcaaloow maxaad la fiigsantahay??.
JIMCAALE:-ma fiigsani ee waxaan fahmi la’ahay waxa socda.
JAAMAC:-hortaa ayaa layaabanaa ee maxaad layaabtay oo kuugu daran.
JIMCAALE:-waxaa iigu tacajib badan in 100 askari oo Itoobiyaan ah oo mushkilo dalkooda ka taagan u guuraya in 500 oo askari oo Soomaali ah ay ka daba guuraan cabsi darteed, ma niman iyaguba cabsi la qaxaya ayaa cabsi kaa ilaalinaaya, ma dalkooda ayeey la tegayaan maxaa Dadka iyo Dalka loo cidleynayaa!?.
JAAMAC:-jimcaaloow sida aad u fahamtay ma aha Itoobiya iyada ayaa cabsanaysa oo codsatay in ilaa Xudduudda lasii gelbiyo markaas ayaa dib loosoo noqonayaa waxwalbana waa laqabanayaa ammaankana waa la sugayaa!.

mucjis
JIMCAALE:- waatahaye maxaa gaabiska geliyay Aqalladii lasheegayay, ma laysku mari waayay?.
JAAMAC:-kuwii markii hore lahaa anagaa federaalka dhalnay ayaa hadda lasoo istaagay fedaraalka ayaa nagu soo duulay oo dhulkeenii qabsaday sidaas darteed waa ka baxnay, Daacish iyo Galmudug waba lama qaybsan karno, Xamarna waa nagu soo duulay.
JIMCAALE:-Xamar hanoodambeeyee Carmo yaa lagu heshiisiinayaa ma beel Dowlad u dhiganta ayaa lahelay.
JAAMAC:-howlaha aad fahmi la’dahay ayay kamid tahay in Qandalana calan Daacish laga suro, Carmana beel lagula heshiiyo Fedaraalkana la eedeeyo.

LA SOCO QEYB CUSUB

aragtidaada ka dhiibo, ku qor qeybta Commentiga ee Hoose.

Waxaa Qorey:
C/laahi M. Cumar (Mucjis)
Dulqaadka Media
Mogadishu, Somalia